Horyaal England ayaa dib u bilaaban doona, xiiso iyo xamaasad gaar ah ayuuna sanadkaan wataa, macalimiintii ugu waa wayneed kubadda cagta xiligaan ayaana isugu yimid.
Man City ayaa kulankeeda ugu horeysa wajaheysa Kooxda Liiceysa ee Sunderland, Macalin Guardiola ayaa xilli ciyaareedkaan ku bilaabaneya isbedel badan lagu sameeyey kooxdaan, waxaana ugu weyn isbedelka dhanka farsamada ah. Sky Blues ayaa keensatay tababaraha reer Spain Pep Guardiola, halka ay saxiixyo wanaagsan ka sameysay suuqa kala iibsiga xagaagaan ka dib laba xilli ciyaareed oo ay ku fashilantay hanashada koobka horyaalka.
Dhanka kale, Sunderland ayaa qudheedu isbedel muuqda sameysay waxayna shaqaaleysiisay tababarihii hore ee kooxaha Everton iyo Manchester United David Moyes. Waxaana xusid mudan inay Sunderland ciyaartay kulamo ka badan Man City oo ay isugu diyaarineysay xilli ciyaareedkaan.
Xogta Kulanka:
Kulanka: Manchester City vs. Sunderland
Tartanka: Premier League (Isbuuca Koowaad)
Garoonka: Etihad Stadium
Saacadda: 7:30 Fiidnimo (Geeska Afrika)
Garsoore: Robert Madley (England)
Otamendi iyo Kompany oo ah lafdhabarka daafacyada kooxda Manchester City ayaa wali dhaawacyo ku maqan, Mangala ayaa isna shaki la galinayaa maadama uusan tababar fiican qaadan.
wajiyada ku cusub kooxda ee Ilkay Gundogan iyo Leroy Sane ayaa iyaguna dhaawacyo qaba, balse Nolito iyo Oleksandr Zinchenko ayaa safan kara kulankoodii ugu horeeyay.
Sunderland marka aan eegnana xidigihii hore Man Utd, Adnan Januzaj, Pady McNair iyo Donald Love ayaa dhamaan kulankaan ka qeyb qaadan kara iyagoo la safray kooxda inteeda kale.
Xogta dheeriga ah.
Man City ayaa laga badiyey seddax ka mid ah 10kii kulan ee ugu dambeeyey ee ay ku ciyaartay garoonkeeda kulamada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, waxayna badisay lix kulan, iyadoo kulanka kale uu barbardhac ku dhammaaday.
Citizens ayaa ku fashilantay inay guul gaarto nuuc kasta oo ay tahay seddax kulan oo ay ciyaartay 90 daqiiqo ciyaaraheedii saaxiibnimo ee xagaagaan. Waxayna guuldarrooyin kala kulantay kooxaha Bayern Munich iyo Arsenal, halka ay rigooreyaal uga adkaatay Borussia Dortmund.
Sunderland ayaan laga adkaan shanteedii kulan ee ugu dambeeyey ee horyaalka iyadoo marti ah. Black Cats ayaa si wanaagsan isugu diyaarisay xilli ciyaareedkaan iyadoo badisay afar ka mid ah lix kulan oo ay ciyaartay xagaagaan, halka ay barbardhac gashay labada kulan ee kale.
Labadaan kooxood ayaa kulmay 14 jeer lixdii sanno ee ugu dambeysay, si kastaba ha ahaatee, Sunderland wax guul ah kuma gaarin Etihad Stadium 12kii kulan ee ugu dambeeyey ee ay booqatay garoonkaas horyaalka Premier League.
Shaxda Macquulka ah:
Manchester City: Hart; Sagna, Stones, Fernando, Clichy; Fernandinho, Delph; Sterling, Silva, Nolito; Aguero
Sunderland: Mannone, Kaboul, Djilobodji, Kone, Van Aanholt, McNair, Rodwell, Borini Januzaj, Khazri, Defoe