Himilo – Abaarta soo noq-noqotay sanadahan waxay horseeday inay Xoolo dhaqato badan xoolihii dhaafaan kadibna ay noqdaan cayr mara madow oo soo beegsada xeryaha dadka barakacay.
Balse qaar ka mid ah xoolo dhaqatada ayaa billaabay qorshe ay ku badbaadinayaan xoolahooda. Waxaa ku dhalatay aragti ah inay xoolaha xeryo lagu daryeel u oodaan halkaasna baaq iyo biyaba lagu siiyo.
Bannaanka Muqdisho waxaa laga helaa qoysas markii hore reer guuraa xoolaley ahaa kuwaas oo hadda xeryo duleedka magaalada ah ku dhaqda gee lama lo’.
Qoysaska qaar ayaa is qeybiyay xubno ka mid ah miyiga ayay ku hayaan xoolaha, marka ay abaar jirto inta nuqul ee irmaan ayay u soo kaxeeyaan xeryaha Muqdisho.
Marka laga tago baad siinta xoolaha looga badbaadinayo abaarta, caanahooda waxaa laga sameeyaa ganacsi wanaagsan.