Home / Habka-Nolosha / Xubnaha qoys dhan oo loo xukumay “xatooyo” ka badan 200 jeer

Xubnaha qoys dhan oo loo xukumay “xatooyo” ka badan 200 jeer

Himilo FM – Maxkamad ku taala dalka Ingiriiska ayaa xukun ku riday 10 qofood oo katirsan hal qoys oo ku eedeysan inay dhac geysteen inka badan 200 jeer 11 billood gudaheed.

Xubnaha qoyskan ayaa la shaaciyay inay dhaceen xarumo ganacsi, guryo iyo gawaari sida uu ku soo waramayo wargeyska Times ee dalka Ingiriiska.

Steven Holt oo ah garsooraha xukumay qoyska ayaa sheegay in qoyska lagu riday xukun u dhaxeeya 4 illaa 7 sanno.

Waxa uu intaa raaciyay in falkaasi uu noqday kii ugu khatarta badnaa ebid ee uu goobjoog u noqdo.

Waxaa kale oo qeyb ka ah waxyaabaha ay dhaceen xubnaha qoyska lacago kaash ah iyo dahab ku fadhiya qiimo dhan labo milyan oo lacagta Ingiriiska ah.

Dhacdadan oo laga soo wariyay koonfurta bari ee Ingiriiska ayaa la aaminsan yahay inay qoyska ku kaceen intii u dhaxaysay bishii Febraayo iyo December ee sanadkii hore.

Sheekada qoyska caadeystay xatooyada ayaa la oggaaday kaddib markii xubin kamid ah uu isku dayay inuu dhaco suuq weyn islamarkaana baxsado laakiin booliiska ayaa gacanta ku dhigay, waxaana sidaasi ku furfurmay sheekada qoyska.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan