Home / Habka-Nolosha / Xulka qaranka Soomaaliya oo laga soo reebay isreeb reebka koobka 20 jirada qaramada Afrika

Xulka qaranka Soomaaliya oo laga soo reebay isreeb reebka koobka 20 jirada qaramada Afrika

Wiilasha xulkeena Soomaaliya ayaa lugtii labaad ee isreeb reebka koobka qaramada Afrika ee labaatan jirada la dheelay shalayto dhigooda Itoobiya.

Lugtii hore Itoobiya ayaa guul dirqi ah ku soo gaartay cayaarti lagu booqday magaaladda Adis Ababa, kulankii hore ayaana ku soo dhamaaday guul 2-1 ah oo qarankeena wiilashii metelayay laga soo gaaray.

Lugta labaadse maadaama marti naloo ahaa oo lagu dheelayay Jabuuti, waxaan u baahneyn keliya guul 1-0 ah si aan u xaqiijino inaan Itoobiya ka taqalusno.

Qeybtii koowaad ee kulankii shalay wuxuu ku soo idlaaday barbaro goolal la’aan ah oo waqtiga nasiinada lagu kala aaday.

Dhibta ayaase timid qeybtii labaad markii wiilasha Oceans shabaqooda labo goor la soo taabtay.

Cayaarta ayaana waqtigii loogu talo galay ku soo idlaatay 2-0 oo markale lagu loogay cayaartoyda labaatan jirada xulkeena, waxaana ay taa ka dhigan tahay in isku celcelis ahaan labada lug nalooga badiyay 4-1.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan