Home / Habka-Nolosha / Xulka qarankeena Soomaaliya oo maanta kulan muhiim ah dheeli doona

Xulka qarankeena Soomaaliya oo maanta kulan muhiim ah dheeli doona

Cayaartoyda qaranka Soomaaliya ee 20 jirada ayaa maanta kulan xiiso badan la dheeli doona dhigooda Itoobiya.

Soomaaliya ayaa qeyb ka ah isreeb reebka koobka qaramada Afrika da’yarta 20 jirrada ah, waxayna maanta lugta koowaad la dheeli doonaan xulka Itoobiya.

Macallin Maxamed Cabdulle Farayare ayaana hogaamin doona saf wejiyo qaranka ku cusub ay ku badan yihiin oo laga soo xulay 10ka kooxood oo horyaalka Soomaaliya heerkiisa koowaad ka dheela.

Heegan, Jeenyo iyo Gaadiidka ayaa min saddex cayaartoy ku leh xiddigaha qaranka metelaya. Min labo xiddig waxay metelaan kooxaha Dekedda iyo Elman halka min cayaartoy ay ka socdaan kooxaha Banaadir SC, Saxafi, Fc Muqdisho, Horseed iyo Signjet.

Kulanka ayaa dhici doona galabta saacadda geeska Afrika marka ay tahay 4:00pm galabnimo.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan