Xulka qarankeena Soomaaliya oo maanta kulan muhiim ah dheeli doona

Cayaartoyda qaranka Soomaaliya ee 20 jirada ayaa maanta kulan xiiso badan la dheeli doona dhigooda Itoobiya.

Soomaaliya ayaa qeyb ka ah isreeb reebka koobka qaramada Afrika da’yarta 20 jirrada ah, waxayna maanta lugta koowaad la dheeli doonaan xulka Itoobiya.

Macallin Maxamed Cabdulle Farayare ayaana hogaamin doona saf wejiyo qaranka ku cusub ay ku badan yihiin oo laga soo xulay 10ka kooxood oo horyaalka Soomaaliya heerkiisa koowaad ka dheela.

Heegan, Jeenyo iyo Gaadiidka ayaa min saddex cayaartoy ku leh xiddigaha qaranka metelaya. Min labo xiddig waxay metelaan kooxaha Dekedda iyo Elman halka min cayaartoy ay ka socdaan kooxaha Banaadir SC, Saxafi, Fc Muqdisho, Horseed iyo Signjet.

Kulanka ayaa dhici doona galabta saacadda geeska Afrika marka ay tahay 4:00pm galabnimo.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan