Home / Cayaaro / Xulka Soomaaliya oo markii labaad xiriir kaga qeyb gelaya koobka adduunka

Xulka Soomaaliya oo markii labaad xiriir kaga qeyb gelaya koobka adduunka

Himilo FM -Xulka qaranka Soomaaliya ayaa ciyaari doona cayaaraha adduunka bisha oktoober iyaga oo ku guruub ah qaramada Mexico, Ivory coast, iyo Moldova.

Tartankan oo ay ka qeyb geli doonaan dalal magac ku leh dunida ayaa ka dhici doona dalka Australia gaar ahaan magaalada Perth oo ay ku nool yihiin Soomaali badan oo lagu qiyaasay 3,000 oo ruux.

Xiriirka Somali mini football ayaa markii labaad ka qayb geli doona tartankan iyaga oo qeyb ka ahaa  sannadkii 2017 ee ka dhacay dalka Tunisia.

Guddoomiyaha xiriirka kubbad cag yaraha Soomaaliya Dr C/ Qaadir Maxamed Caddaay oo la hadlay Radio Himilo ayaa sheegay in sannadkan ay rajeynayaan is bedel mar uu arrimahaasi ka hadlayey ayuu yiri:

“Waxaan heysanaa ciyaartoy wanaagsan iyo taagerayaal badan marka loo eego sannadkii 2017, niyad ahaan aad baan u wacannahay sidoo kale waxaan dhiiri gelin ka helnay ganacsato Soomaaliyeed kuwaasi oo xiriirka fan garreyn ballaaran ku sameeyay.”

Guddomiye Caddaay ayaa ugu danbeyn bulshada Soomaaliyeed ka dalbaday in ay taageero u muujiyaan qarankooda ciyaaraha ka dhici doona Australia.

Ciyaartoyda Soomaaliyeed ayaa laga soo xuli doona gudaha iyo dibadda iyada oo ugu danbeyn lagu dhawaaqi doono liiska oo dhammeystiran bisha soo aadan waxaana hoggaaminaya tababare Cismaan Maye Iskood oo qaranka iyo Horseed horey ugu soo ciyaaray.

Ciyaarahan ayaan bilaaban doona  taarikhdu marka ay tahay 1-da Oktoober waxayna dhammaan doonaan 11-ka Oktoober 2019-ka.

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan