Home / Macluumaad / Xuska Maalinta Caalamiga ee Cadaaladda Bulshada iyo Soomaaliya

Xuska Maalinta Caalamiga ee Cadaaladda Bulshada iyo Soomaaliya

Muqdisho – 10 sano kahor maanta oo kale oo ku beegan sanadkii 2007-da, QM ayaa 20-February u asteysay maalinta caalamiga ah ee cadaaladda bulshada.

Xuska maalintan ayaa lagu bandhigaa fursadaha lagu taageeri karo dadaallada socda oo beesha caalamku ugu jirto cirib-tirka jahliga, saboolnimada iyo sameynta ama abuurista shaqooyin kala duwan iyada oo lagu saleynayo habka gender-ka iyo niyad-samida qalbi ahaaneed ee bulshada guud ahaan, marka loo eego QM.

Sidoo kale cadaaladda bulshada waxaa kaliya lagu guuleysan karaa iyada oo la qaadayo dhadhaabyada teedka looga dhigay kala qeybinta bulshada sida kala sarreynta da’nimada, sinjiga ama nasabnimada, dhaqanka, diinta, afka iyo sidoo kale liidista dadka qaba baahiyada gaarka ah sida cuuryaamiinta.

QM ayaa aaminsan dadka in kartidooda la dardargeliyo si ay uga adkaadaan dagaalka ay kula jiraan jahliga iyo saboolnimada una abuuraan deegaan ku dhisan cadaalad bulsho.

Himilooyinkan caalamiga ah iyo ku guuleysiga sal-u-dhigista nidaam ku saleysan cadaalad bulsho ilaalintooda waa lama huraan – sidaas darteed in la qaado dhagxaanta teedka looga dhigay kala qeybinta bulshada waa ahmiyadda koobaad.

Marka ay noqoto ka hadalka cadaaladda iyo dadka Soomaaliyeed, waxaa jirta cadaalad-darri ay isku hayaan bulshada dhexdeeda iyo mid ay ka sheegtaan talisyada maamula.

Nin tooxsiga iyo garabeysigu waa dhibta ugu weyn. Qofka haya maamul dadweyne iyo mid gaareedba, wuxuu caadiyan u dhowyahay inuu soo dhaweysto in adeerkiisa iyo kan ay macrifada raagtay isku yihiin.

Mowduuca ugu adag ee laga diiwaan-geliyo dadka wax-barta ee ku hungooba inay ku xoogsadaan tacliintooda waa waxa ay ka dhigan tahay aqoon-yahan aqoontiisa wax ku waaya! In kasta oo qof walba oo wax-barta uusan waayin shaqo iyo meel uu ka howlgalo, hadana waxaa ka badan inta ku dhacday inay ku howl-galaan wixii ay maskaxdooda usoo shiilayeen gu’yaal badan.

Shaqooyinka oo ku kooban xarumaha dowladda, hey’ado caalami ah iyo iskaashatooyin madax-banaan oo awooday inay ku shaqeeyaan shaqaaleynta ninka ugu dhow xigto ahaan, iyo midka uu soo far muuqo kan meesha madaxa ka noqda, ma ahan waxa ugu weyn ee laga cawday.

Isku beegid la’aanta tayada la rabo iyo qofka u qalma oo baddalkiisa lagu hadoodilo mid aan mudnaanteeda lahayn ayaa ah dhacdooyinka ku baahsan badi xarumaha guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Siinta qof xaqii uu mudnaa inuu ku helo xurriyaddiisa gaarka ah, kaliya ma ahan mid lagu waayay shaqooyinka iyo shaqaaleysiinta. Kala horumarinta ama kala sarreysiinta dadka wada qaba baahi kaliya ah ayaa sidoo kale ah dhib laga weriyo cadaaladda iyo bulshada.

Qofku wuxuu u dhow yahay inuu safka hore iyo mudnaanta koobaad qaato haddii meelaha dadweynaha loogu adeego sida isbitaallada uu joogo qof ay isku dhow yihiin ama ay macrifo yihiin. Taasina waxay niyad-xumeysaa dadkii ka mudnaa ee isaga hortiisna yimid oo mudnaantoodii qof kale dhib yaraan loogu fududeeyey.

Bixinta laaluushka ayaa sidoo kale noqotay shidaalka lagu kiciyo gaariga cadaalad-darrida. Laaluushku wuxuu yimaada marka qofku rabo in meesha ugu fudud looga soo qabto adeegga ama agabka uu rabo isaga oo aan u marin wadadii saxda ahayd.

Umadaha ku fashilma inay cadaaladda dhexdooda ah isku oogaan, waxaa kale oo ay caan ku yihiin adeegsi maaldahan oo ay kala jeedaan laaluushka. Tusaale ahaan Mexican-ka oo Lamardiido yiraahda ayaa kamid ah bulshooyinkaas. Labordiido macnaheedu waa luqmad iyo ceysh – oo ka dhigan ceysh iyo nololba majirayso luqmad la’aan. Si kooban marka loo fasirana waa noloshu laaluush la’aan majiri karto.

Bulshada Carbeed ee ku nool Bariga Dhexe oo Laaluushka u yaqaan Vitamin W ayaa iyaguna kamid ah kuwa dhibaatada ku qaba saameyntiisa. Waloow sida Mexico aysan sidaas uga dhicin falal halis ku ah jiritaanka Insaanka sida iibsiga xunbaha qofka, daabulka gabdhaha, daroogeynta iyo wixii soo raaca, hadana, sida uu ku qoray buuggiisa Waxa ka qaldan Bariga Dhexe qoraaga Brain Whitaker, laaluushku waa mid kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee ragaadiyay horumarka iyo kobaceeda dhaqaale.

Sheekooyinka la xiriira cadaaladda iyo bulshadeenna natiijooyinka ka dhasha aalaba ma yeeshaan dhamaad farxad leh. Waxaa abuurma kala durugsanaan, is aaminaad la’aan iyo la gaaroobidda qofba kaalintiisa. Meesha ugu weyn ee bulshadu ka raadinayso midnimada ma ahan oo kaliya maamul dowladeed oo hagaajiya cadaaladda iyio garsoorka. Waxaa loo baahan yahay in qof walba uu cadaaladda naftiisa ka bilaabo isaga oo ogsoon in xurriyadiisu ku dhamaanayso meesha qof kale tiisu ka bilaabato.

Sida Soomaalidu horay u tiri; Riyo hadday dib leeyihiin dabadooday ku qarin lahaayeen, waxaa muhiim ah inaan cadaaladda dhexdeenna ka bilowno u eegis la’aan ina adeersi iyo macrifo. Markaas ayaa si mideysan maamullada jiraa loogu wada jeedin karaan inay cadaalad nagu dhaqaan.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Isha: radiohimilo.so

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan