Home / Cayaaro / Yaa kula taliyay Edinson Cavani ku biirista Man Utd?

Yaa kula taliyay Edinson Cavani ku biirista Man Utd?

Himilo – Weeraryahanka Uruguayan ee Edinson Cavani ayaa la saxiixday Man Utd maalinka ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga isaga oo kooxda la galay hal sano oo heshiis ah.

33-jirkaan ayuu qandaraaskiisa idlaaday todobo sano oo uu joogay Paris Saint-Germain halkaasi oo uu isku diiwaan geliyay xiddigga ugu goolasha badan taariikhda naadiga, kaddib markii uu dhaliyay 200 gool 301 kulan oo uu naadiga u ciyaaray.

Waxa uu wareysi uu siiyay mareegta Man Utd ku shaaciyay cidda ku saacidday ku biirista Red Dveils.

“Waxaan wax badan wadahadalnay Ander, si lamid ah xiddigaha kale sida Angel Di Maria. Waxa uu  Ander Herrera  ii sheegay hab waliba oo iga saacidi kara tegitaanka Man Utd, kaddib ayaan daqiiqadihii ugu danbeeyay wadaxaajoonay Man Utd”.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan