Home / Arrimaha Bulshada / Yaa quuro badan ragga iyo dumarka?

Yaa quuro badan ragga iyo dumarka?

Waxaa la yiraahdaa ragga ayaa ayaa ka quuro badan dumarka oo waliba cod sare ku quuriya laakiin baaritaan cusub ayaa xaqiijiyay in dumarka quuriyaan waliba si xooggan.

Baaritaan caafimaad oo laga sameeyay Ingiriiska ayaa muujiyay in gabdhaha dhallinyarada ah ee da’doodu u dhaxayso 25 illaa 36 sano jir ay cod sare ku quuriyaan in ka badan ragga.

Waxa uu baaritaanka oo uu sameeyay isbitaalka boqortooyada Ingiriiska ee cudurrada sanka iyo dhegaha uu tilmaamay in 31% dhallinyarada ragga ah ay si xoog leh u quuriyaan seddex jeer toddobaadkii halka quurada gabdhaha da’yarta tahay 34%

Markay joogto da’da 55 illaa 64 sano, waxaa quurada ku xooggan ragga inka badan dumarka, waxaana heerka quurada ragga ee da’daasi lagu sheegay 45% halka dumarku quuriyaan 35%.

Khubarada baaritaanka waxay xuseen in labada jinsi rag iyo dumarba ay joojinayaan quurada xooggan marka la gaaro da’da 75 sano.

Si kasta, quurada ma ahan xannuun, waxaana inteeda badan uu qofku dareemi karaa marka uu u jiifo dhacadiid (dhabar dhabar) laakiin khubarada waxay leeyihiin quurada codka sare waxay tusmo u tahay dhibaatooyinka caafimaad darro oo imaan kara sida xusuus darrida.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan