Home / Cayaaro / Yaa ugu cad-cad saxiixa De Jong, Barcelona mise Man City?

Yaa ugu cad-cad saxiixa De Jong, Barcelona mise Man City?

Muqdisho – Ajax ayaa lagu soo waramayaa in ay qiimo gaareysa 75 milyan oo ginni ah ku dooneyso in ay ku iibiso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Frenkie de Jong.

De Jong ayaa loo arkaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican kubadda cagta yurub, kooxo dhowr ah ayaa la sheegay inay xiiseynayaan xiddiga reer Netherlands.

Barcelona ayaa si aad ah loola xiriirinayay inay u dhaqaaqeyso inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan, laakiin Manchester City ayaa u muuqata inay tartanka kaga horeyso Barcelona.

Sida laga soo xigtay The Mirror, City ayaa ku qasban in ay miiska saarto 75 milyan ginni si ay Ajax uga dhaadhiciyaan in ay la saxiixdaan 21 jirkaan.

De Jong, oo sidoo kale lala xiriiriyay Real Madrid, ayaa laba gool dhaliyey 19 kulan oo uu u saftay Ajax xilli ciyaareedkan 2018-19.

De Jong ayaa Ajax kaga soo biiray Willem II sannadkii 2015, waxaana uu u ciyaaray kooxda yaryarka Ajax, ka hor inta uusan ku biirin kooxda koowaad.

Isha: Sports mole.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan