Home / Macluumaad / Yaxaas cunay baadari rabay in sida – Masiix CS – uu ku dul socdo biyo webi.

Yaxaas cunay baadari rabay in sida – Masiix CS – uu ku dul socdo biyo webi.

Muqdisho – Baadari ayaa ku hordhintay taageerayaashiisa – raacsan diin ahaan, kadib markii uu isku dayay inuu ku dul socdo biyaha sida Masiixa.

Baadarigan ayaa isku dayay inuu ku dul socdo biyaha webiga kahor intaysan cunin saddex Yaxaas.

Wadaadkan oo lagu sheegay Jonathan Mthethwa, wuxuu rabay inuu bandhigo sida uu ugu dul socon karo webiga oo loo yaqaan Yaxaas.

Xubnaha Kaniisadda ayaa sheegay in baadari Pastor Mthethwa uu duco iyo soon ku jiray toddobaad dhan kahor intuusan isku dayin inuu iyaga ka dhaadhiciyo iimaanka.

Mid kamid ah xubnaha Kaniisadda, Deacon Nkosi ayaa sheegay in baadarigu uu maalintii Sabtida aheyd wax ka baray iimaanka kahor intuusan balan-qaadin inuu tijaabo ahaan ugu dhigo.

Nasiib-darro, wuu quusay. Waxaana cunay saddex Yaxaas iyaga oo u jeeda.

“Manaqaan siday tani ku dhacday. Wuu duceystay, wuuna soomayay muddooyinkii danbe,” ayuu yiri Nkosi.

Waxay sharraxday in baadarigu biyaha galay isaga oo ilaa boqol feet gudaha u dhaadhacay. Wuxuu kadibna isku dayay inuu kasoo sare kaco biyaha kadibna ku dul socdo, hayeeshe Yaxaas ayaa meel aan la ogeyn kaga soo baxay kadibna hoos ula dagay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in wax ka yar kadib ay arkeen kobihii baadariga oo dul sabeynaya biyaha.

Shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa yimid waxayse aheyd goortii Yaxaasyadu cuneen.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan