Laacibka qadka dhexe ee kooxda Manchester City Yaya Toure ayaa loo badinayaa inuu seego kulanka xiisaha gaarka ah wata ee wareega afar dhammaadka koobka kooxaha Yurub ay Etihad ku soo dhoweyn doonaan kooxda Real Madrid.
Manuel Pellegrini, maareeyaha Manchester City ayaana maanta shaki geliyay in Yaya Toure uu diyaar u yahay kulanka ay marti soori doonaan Los Blancos.
Kevin De Bruyne ayaa la nasiiyay kulankii dhowaan ay Toure iyo Citizens afar iyo eber macsalaameeyeen kooxda Stoke, cayaartaana wuu dhameystay wiilka Ivory Coast u dhashay.
Macallin Pellegrini ayaase shaki ka qaba inuu Toure kasoo bogsaday jugtii muruqa ka soo gaartay kulankii sabtida ay dhibcaha tirsadeen.
Toure siddeed gool ayuu u dhaliyay kooxda Manchester City 44 kulan oo xagaagan dhammaan tartamada uu u saftay.