Himilo – Dhowr dal oo reer Yurub ah ayaa billaabaya in dadkooda nugul ay ka tallaalan cudurka dilaagga ah ee Covid-19, xilli feyruska cusub ku fidayo caalamka WHO-na ay ka digeyso inuusan noqon doonin midkii ugu danbeeyay.
Tallaalkii ugu horreeyay ee ah nooca ay soo saartay shirkadda Pfizer-BioNTech, ayaa la gaarsiiyay goobaha uu sida taban u saameeyay xanuunka ee wadamada Italy, Spain iyo France sabtigii shalay, waxaana la gaarsiin doonaan guryaha ay ku nool yihiin dadka howl-gabka ah iyo goobaha lagu xanaaneeyo waayeelada.
Jermalka haweeney 101-jir ah ayaa noqotay ruuxii ugu horreeyay ee qaata tallaalka, maalin uu wasiirka caafimaadka dalkaasi ku sifeeyay “Maalinta Rajada”. Waxaa sidoo kale tallaalku ka billawday wadamada Hungary iyo Slovakia, kuwaas oo lagu daray China, Russia, Britain, Canada, United States, Switzerland, Serbia, Singapore iyo Saudi Arabia.
“Waxaan dib usoo ceshan doonaa xoriyaddeenna annaga oo awoodi doono inaan mar kale gacmaha is-qabsanno,” ayuu yiri Luigi Di Maio wasiirka arimaha dibadda Talyaaniga oo muwaadiniinta ku boorinayay inay qaataan tallaalka.