Home / Cayaaro / Zinedine Zidane oo aan hubin mustaqbalka James Rodriguez

Zinedine Zidane oo aan hubin mustaqbalka James Rodriguez

Himilo – Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa qirtay inuusan hubin hadii James Rodriguez uu la sii joogi doono kooxda wixii ka dambeeya dhamaadka suuqa kala iibsiga xagaagan.

James ayaa  labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay amaah ku qaatay kooxda Bayern Munich, laakiin kooxda heysata horyaalka Bundesliga ayaa iska diiday fursad ay kula  saxiixaneyso xiddiga heerka caalami ee dalka Colombia heshiis joogto ah.

Napoli iyo Atletico Madrid ayaa labadoodaba lala xiriirinayay saxiixa kubadsameeyaha, kaasoo loo maleynayay inuu dheeri ku yahay garoonka Bernabeu.

Sikastaba, dhaawaca Marco Asensio ee dhawaantaan  ka soo gaaray Jilibka ayaa la sheegay inuu albaabka u furay 28-sano jirkan inuu la sii joogo Los Blancos xilli ciyaareedka 2019-20.

 Zidane wax dammaanad ah kama bixinin markay tahay mustaqbalka Koonfur Ameerikan-kaan.

 “Ma aqaano hadii James uu sii joogayo Real Madrid xilli ciyaareedka soo socda” ayuu Zidane u sheegay suxufiyiinta. Wax lug ah kuma lihi arrintaas. Waxaan halkaan ka fikirayaa Audi Cup.

Madrid, oo guuldarro 1-0 ay ka soo gaartay Tottenham Hotspur semi-finalka Audi Cup Talaadadii, ayaa bilaabi doonta ololahooda La Liga ee xilli ciyaareedka 2019-20 marka  ay la ciyaarayaan Celta Vigo 17ka August.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan