Home / Maalmaha Caalamiga / 01 Maarso – Maalinka caalamiga ah ee u dulqaadasho la’aanta takoorka

01 Maarso – Maalinka caalamiga ah ee u dulqaadasho la’aanta takoorka

Himilo – 1-da Maarso waxaa loo calaamadeeyay maalinta caalamiga ee u dulqaadasho la’aanta takoorka. Si sannadle ah ayaa maalintan loogu dabaal deggaa, ujeedadu waxay tahay in kor loo qaado sinnaanta sharciga dhammaan dawladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

Waa maalin cod dheer lagu diido takoorka layskuna booriyo ka hortagiisa, u dhaqdhaqaaqayaasha dadka la faquuqo ayaa far muuqa sharciyada ay u arkaan kuwo sababi kara inuu yimaado takoor.

Warbixin lagu daabacay bogga Qarramada Midoobay ayaa lagu sheegay in tiro ka badan 70% dadyoyga dunida ay wajahayaan sinnaan la’aan taasi oo badi ka dhacda dhaqaalaha iyo horumarka bulshada, Marka ay timaado helitaanka dawada cusub ee Covid-19  ma aheyn mid loo sinnaaday waxayna noqotay in la siiyo dhinac, taasi oo ka qeyb ah heerka sinnaan la’aanta ee bulshada dhexdeeda.

Barnaamijka wadaagga ah ee UNAIDS ayaa lagu muujiyay baahida loo qabo in dib u habeyn lagu sameeyo sharciyada faquuqa ee dalalka xubnaha ka ah jamciyadda qurumaha ka dhaxaysa.

Markii ugu horreysay ee la xusay maalintan waxay ahayd kowdii Maarso sannadkii 2014-kii, bilaabideeda waxaa lahaa agaasimaha fullinta UNAIDS Michel Sidibé. Tan iyo xilligaa, waxaa diiradda la saaray la dagaalanka takoorka lagu sameeyo dadka la nool HIV/AIDS.

Abaabulka u dabaal degga maalinta u dul qaadasho la’aanta faquuqa waxaa gar wadeen ka ah UNAIDS oo sannadkan diiradda saaraysa la dagaalanka faquuqa ay la kulmaan haweenka iyo gabdhaha si loo sameeyo wacyi-gelin buuxda oo ay dhiira-gelin iyo sinnaan ku heli karaan dumarka.

Dadka la nool HIV waxaa la yiri waxay si maalinle ah u wajahaan far muuq lagu foggeeyo, taasi waxay u horseedaa inay waayaan waxyaabo daruuri u ah noloshooda sida daryeel caafimaad. 

“Ruux walba kaalin mug leh ayuu ka ciyaari karaa baabi’inta faquuqa isaga oo adeegsanaya habab kala duwan, kuwaasi oo uu ka dhex bilaabi karo bulshada deegaankiisa, waxaan qof walba ugu baaqayaa inuu abuuro deegaan ka caafimaad qaba takoorka, waxaa muhiim ah in kor loo qaado wacyi gelinta. sharciyadu waa inay wax ilaaliyaan, ee waa in aysan waxyeelo horseedin, waa inaan si wada jir ah u beddalno sharciyada dhiiri geliya faquuqa.” sidaa waxaa lagu yiri qoraal ka soo baxay UNAIDS.

Sida laga soo xigtay agaasimaha fullinta UNAIDS, Michel Sidibe, falalka ku qotoma xadgudubka xuquuqda aadanaha waxay ka dhacaan dunida oo dhan, waxaana sabab u ah caadooyin iyo sharciyo dhinac u xaglinaya, sidaa darteed wadamada waxa waajib ku ah inay sameeyaan siyaasad sinnaanta lagu hubinayo.

Halku dhegga sannadkan ayaa loo qaatay in uu yahay ” Dhammeynta takoorka ka dhanka haweenka iyo gabdhaha.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan