Home / Maalmaha Caalamiga / 03 December – Maalinta Caalamiga ee Naafada

03 December – Maalinta Caalamiga ee Naafada

Himilo – Xuska sanadlaha ah ee Maalinta Caalamiga ee Naafada waxaa sanadkii 1992-kii asteysay QM. Ujeedku waa ilaalinta xuquuqda iyo bad-qabsanaanta dadka laxaadkoodu kala dhimman yahay ee ku jira dhammaan bulshooyinka iyo in sare loo dhigo wacyiga la xiriira xaaladaha ay ku nool yihiin dhan walba – siyaad ahaan, dhaqan ahaan iyo bulsho ahaan.

Kaddib dadaallo qaatay sannado badan oo QM ay ugu kuur-galeysay xaaladaha dadka naafada, Cahdiga Ilaalinta xuquuqda dadka laxaadka la’ wuxuu dhaqan-galay sannadkii 2006, waxaana sidoo kale ay qeyb ka yihiin hiigsiga 2030 ee Barnaamijka Joogtada ah  ee Horumarinta fog ee QM.

Ajendaha hiigsiga wuxuu ku niyad-weyn yahay in qofna aan gadaal looga tagin. Dadka naafada ah ee qaba baahiyaha gaarka ahna waxay leeyihiin mudnaan sarreysa.

Dadka naafada waxay kamid yihiiin qeybaha aadka ugu nuglaada caqabadaha nolosha. Dadka qaba baahiyaha gaarka ah waxay leeyihiin hannaan caafimaad oo liita: horumar hooseeya oo dhinaca tacliinta ah:  ka qeyb-gal yari dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsiga iyo heer aad u sarreeya oo faqri ah oo ay ku sugan yihiin.

Naafanimada hadda waxaa loo gartay inay kamid tahay xuquuqda aadanaha. Dadka waxay ku naafoobaan falal ay ku hayaan bulshada: ee iyagu iskuma hayaan naafanimada. Caqabadaha heysta waxaa looga adkaan karaa, haddii dowladaha, ururrada aan dowliga ahayn, xirfadleyda iyo dhibanayaasha naafada iyo qoysaskooda ay wada shaqeeyaan.

Bulshooyinka ku nool dalalka dakhli ahaan hooseeya ayaa ah kuwa naafanimada la nool in ka badan dalalka horumaray. Naafanimadu waxay ku badan tahay haweenka, dadka da’da ah iyo carruurta.

Dadka qaba baahiyaha gaarka ah aalaaba mahelaan daryeelkii caafimaad oo ay u baahnaayeen. Carruurta naafada ah waxay u badan tahay inaysan xaadirin iskuullada sida  carruurta kale. Nasiib-darro, naafadu waxay sidoo kale u badan tahay inaysan helin shaqooyin ay ku maareeyaan noloshooda si lamid ah kuwa kale oo aan naafada ahayn. Waxaana run qaraar ah in naafadu ay aad ugu nugul yihiin faqriga iyo macluusha.

Dalal badan waxaa ka jira adeeg caawimaad oo aad u kooban. Xog laga ururiyay dalalka koonfur Afrika waxaa lagu sheegay in keliya 26-55% naafada ku nool ay helaan daryeelkii ay u baahnaayeen. Halka 17-37% ay helaan qalabka kaalmaatiga sida kursiga lagu socdo, biraha lagu boodo iyo wixii lamid ah.

Waxaase jirta xaqiiq aan la wada qirsaneyn oo ah in dadka naafada ah ay u noolaan karaan sida dadka kale: qeybna uga qaadan karaan horumarinta bulshooyinka ay ku dhex nool yihiin.

40% dadka naafada si guud uma helaan inay daboolaan baahidooda, mana lasiiyo qaab ay noloshooda isku filnaansho uga gaari karaan. 70% naafada ku nool Maraynka waxay ku tiirsan yihiin xoogga ehelladooda ama asxaabtooda.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan