Home / Maalmaha Caalamiga / 04 December – Maalinta caalamiga ah ee Bankiyada

04 December – Maalinta caalamiga ah ee Bankiyada

Himilo – Maalinta caalamiga ah ee bankiyada waxaa galka maalmaha caalamiga ah ee Qaramada Midoobay lagu daray 19 December sanadkii 2019. Golaha guud ee ururka ayaa xilligaas go’aansaday in sanad kasta 4 December la wayneeyo kaalinta Bankiyada ee nolosha.

Marka wareegga taariikhda uu soo dul istaago maanta oo kale, waxaa loo asteeyay inay noqoto maalin la aqoonsado waxtarka bulsho ee Bankiyada. Waxaa la is tusaa sida ay qeyb uga yihiin dhinacyada harumarka dadyowga ku nool caalamka.

Waxaa loo mahad celinayaa hawl-waddeenna waqtidooda u hibeeyay inay dadweynaha ugu adeegaan si hufan. Waxaa lagu booriyaa inay dowrkooda ku aadan bilidda nolosha bulshooyinka kor u qaadaan si loo gaaro hab nololeed isku dheelli-tiran.

Tiigsiga Qaramada Midoobay ee sanadka 2030 waxaa ku jira in meesha laga saaro saboolnimada ba’an ee dunida ka jirta. Bankiyada waxaa loo arkaa inay yihiin safka koowaad ee lagu wajihi karo la dagaallan ka faqriga baahsan ee bulshooyinka dabraya.

Tirtiridda saboolnimada waxyaabaha lagu yareynayo waxaa ka mid ah in dadka laga caawiyo sidii ay ku heli lahaayeen ilo dhaqaale. Bankiyada waxay ku jiraan dhinacyada loo kaashanayo shaqo abuur guud ee bulshooyinka iyadoo loo marayo habab kala duwan.

Ku guulleysiga duni baraare ah, waxaa sal dhig u noqon kara in la helo iskaashi buuxda oo dhex mara dawladaha iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay. Tiknolojiyadda ayaa la rumeysan yahay in loo garabsan karo hoos u dhigidda faqriga heerkiisa daran.

Marka dib loogu noqdo taariikhda waxaa muuqata in warshadaha iyo tiknolojiyadda laga dhaxlay isku filnaan dhaqaale. Balse weli waxaa jira ummaddo ka qatan kocaba dhaqaale ee dunida ka jira. Waxaa dunida ka jira caqabado curyaaminaya nolosha.

Saameynta dhaqaale ee caalamka ka jira bankiyada dhankooda ayay ka wajahayaan balse haddana waxay yihiin isha loogu laabto maal-gashiga. Awood ahaan bankiyada isku mid ma  aha, waxaa jira kuwo heer caalamiga ah, kuwo bulsho iyo kuwo qaran.

Dhamaantood waxay si wada jir ah uga qeyb noqon karaan dedaalka la doonayo in lagu ciribtiro nolosha liitada ee dunida ka jirta. Kulamada maanta oo kale dhacaya waxa ugu weyn ee diirada la saaro in wax laga qabto dhibaatooyinka ka dhasha faqriga.

Hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarka ayaa daadihiya munaasabadaha la qabto 4 December, khburada ka qeyb gala ayaa ka jeediya xogo ku saabsan sida ay bankiyada u xoojin karaa horumarka ummadaha dunida.

Dhanka kale, madaxda bankiyada ayaa muujiya inay ka go’an tahay inay kaalintooda shaqo abuurka ee bulshooyinka ay siinayaan mudnaan wayn. Ugu dambeyn waxaa la isku baraarujinayaa inay muhiim tahay in wacyi mid ah lagu wajaho dabargoynta saboolnimada.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan