Home / Maalmaha Caalamiga / 05 November – Maalinta Caalamiga ah ee iska wacyi gelinta Sunaamiga

05 November – Maalinta Caalamiga ah ee iska wacyi gelinta Sunaamiga

Himilo –  Sunaami oo ah mowjado hirar xiriirsan oo xoogan waxay horseedaan qasaare naf iyo maalba leh, waxaa sababa dhul-gariiradda ku dhufta lakabyada dhulka ee ku dhaw midda la siman heerka badda.

Sida ay tilmaamtay hay’adda aruurisa macluumaadka sunaamiga ee Global Historical Tsunami Database, tan iyo sanadkii 1900 in ka badan sideetan boqolkiiba masiibooyinkii sunaamiga ah ee ka dhacay adduunka waxay ahaayeen natiijada dhul-gariiro dhacay.

Waxaa soo raaca oo iyana dhaliya sunaamiga qaraxyada foolkaanooyinka iyo kuwa kale ee ka dhaca badda hoosteeda.

Sunaami waa dhacdo sababta dhimasho ballaaran, ma lahan xilli gaar ah oo la filan karo inay dhacdo, iyo goob gaar ahba, marka laga reebo inay ka dhacdo degaano-xeebeedyada adduunka.

Taariikhda diiwaanka gashay waxa ku dhigan inay dhaceen masiibooyin sunaami oo saameyn tabana kaga tagay aadanaha, waxaa ka mid ah loona arkaa inay tahay middii ugu xumeyd, middii December 16th, 2004, ka billaabatay jaziiradda badweynta Indian Ocean ku taalla ee Sumatra, taasi oo saameysay 14 waddan oo uu ku jiro dalkeenna.

Marka laga yimaado dadka ku dhintay oo tiradooda ka badan tahay 200-kun oo ruux waxay sababtay qasaare maaliyadeed oo lagu qaddaray $10 bilyan.

Sunaamigii Tōhoku ee ka dhacay Japan March 11th, sanadkii 2011. Dadka oo digniinta helay xilli xeero iyo faldhaal ay kala dhaceen darteed waxay sababtay khasaare xoogan, waxaa la diiwaan galiyay dhimasho 19,747 ruux ah, iyo 2,556 oo la waayay.

Hanti lagu qiyaasay inta u dhaxeysa $14.5 illaa $34.6 bilyan ayaa ku baaba’day. Dhul-gariir sunaami ayaa ka dhacay caasimadda Purtiqiiska ee Lisbon November 1, sanadkii 1755-kii, dad tiradooda ay u dhaxeyso 12,000 illaa 50,000 qof ayaana ku dhintay.

Seddax Sunaami ayaa la rumeysan yahay inay yihiin kuwii ugu baaxadda weynaa ee soo mara dunida, balse middii ka dhacday Japan 2011-kii ayaa gogol xaar u noqotay in la helo maalin gaar ah oo dadyowga dunida lagu baraarujiyo khatarta ay leedahay sunaamiga.

December 2015, ayaa fadhi ay yeesheen golaha guud ee qaramada midoobay laga soo saaray qaraar lagu iclaamiyay maalintan oo loo asteeyay shanta bisha Nofeember.

Marka laga yimaado xusuusashada dadka ku waxyeeloobay sunaamiga, waxaa xuskeeda looga faa’iideeystaa in bulshada laga wacyigeliyo khatarta ay leedahay.

Inkasta oo shirar ku aadan sidii dowladuhu u yeelan lahaa isku xir si khatarteeda looga digo xilli hore, haddana weli isku xirkaasi a mira dhalin. Waxey hay’adaha ka shaqeeya rumeysan yihiin in xalka keliya ay yeelan karta khatartan lagu yareyn karo ay tahay in si hufan looga shaqeeysiiyo hanaanka ka diga sunaamiga.

 

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan