Home / Maalmaha Caalamiga / 07 September – Maalinta caalamiga ah ee yareynta wasaqeynta hawada

07 September – Maalinta caalamiga ah ee yareynta wasaqeynta hawada

Himilo – Sahan ay sameysay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa lagu ogaaday in 99% dadyowga dunida ay qaataan hawo aanan nadiif ahayn oo ay ku jiraan walxo wax u dhimi kara caafimaadka aadanaha.

Daraasadda oo laga sameeyay 6-kun oo magaalo oo ka tirsan 117-dal oo dunida ah, ayaa lagu shaaciyay in dadkaasi qaataan hawo ay ku jirto neefta nitrogen dioxide, taasi oo sababta xanuunnada ku dhaca hawa mareenka sida Neefta iyo kansarka sanbabada.

Qiyaastii 7-milyan oo ruux ayaa sanadkii ugu geeriyooda caalamka xaalado ka dhashay hawa wasaqeysan oo ay jiideen, sida ku dhigan xogta WHO. Marka laga yimaado aadanaha waxey sidoo kale waxyeelo u geysataa noolayaasha kale ee kula nool koonka sida nimcooleyda ay dhaqdaan.

Dhirta kuwa aan ka helno harka, inta ay calafsadaan xoolaha, tan innoo bisha quruxda degaanka amaba kuwa miraha leh oo ee aan ku intifaacsano, sidoo kale waa u dhibanayaal hawadaasi wasaqeysan.

Hawada oo ah walax anaanan muuqan oo ku hareereysan meeraha seddaxaad ee aan ku nool nahay ee dhulka, waxey ka maseysantaa isku darka labada neef ee Oksijiin iyo Naytorojiin.

Muddo qarniyaal ahba aadanaha iyo noolayaasha kale waxey helayeen hawo nadiif ah oo ay qaataan, waxaase qalqal ku yimid sanadihii dhawaa.  Billowga halka ay wax ka qaldameyn waxaa lagu xiriiriyaa kacaankii warshadaha, kaasi oo keenay in bini’aadamka ay dhisaan warshado fara badan oo sameeya wax soo saar dabboola baahidooda.

Ka sokow inay ahayd horumar lagu tillaabsaday haddana waxey u horseedeen dhimashada boqolaal kun oo ruux oo u geeriyooday mushkilado caafimaad oo ka dhashay hawada aanan nadiifka ahayn oo ay sii daayaan warshadaha.

Si loogu baraarugo khatartan ku wajahan degaanka iyo noolayaasha kale ee uu ugu mudan yahay bini’aadamka ayaa 07-da bisha September loo asteeyay maalin gaar ah oo la booriyo saxar tirka hawada iyo sidii loo heli lahaa hawo nadiif oo aan milneen.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan