Home / Maalmaha Caalamiga / 09 October- Maalinta caalamiga ee Boostada

09 October- Maalinta caalamiga ee Boostada

Himilo – Maalinta caalamiga ee Boostada waa xus la sameeyo sannad kasta 9-ka bisha October oo ah markii la aas-aasay midowga caalamiga ee adeegga boostada sannadkii 1874-kii.

Waxaa maalintan caalamiga ku dhawaaqay congress-kii UPU ee dalka Jabaan sannadkii 1969-kii, tan iyo xilligaasi dalalka dunida ayaa u dabaal degga xuska maalintan.

Hay’adaha boostada ee dalalka qaar ayaa uga faa’iideysta maanta oo kale inay ku dhawaaqaan adeegyo cusub oo la xiriira boostada.

Sannadkii 2015, dalalka caalamka oo dhan ayaa ballan qaaday inay ka shaqeynayaan xaqiijinta yoolalka waara ee Qaramada Midoobay oo ujeedkoodu yahay in la dhammeeyo gaajada, dagaal looga horyimaado cadaalad darrada islamarkaana la qaado tallaabooyin ku saabsan isbadalka cimilada.

Adeegyada boostada ayaa kaalin wanaagsan ka qaadan kara xaqiijinta qaar kamid ah yoolalka la hiigsanayo sannadka 2030-ka.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan