Muqdisho – Kowda bisha December sanad kasta taniyo sanadkii 1988-kii, waa maalin caalami ah oo loogu dow-galay sare-u-qaadista wacyiga la xiriira cudurka dilaaga ah ee AIDS-ka kaas oo ku fidiya feyraska halista ah ee HIV-ga iyo in sidoo kale loo baroordiiqo dadkii ku dhintay cudurkan.
Dowladaha iyo saraakiisha caafimaadka, ururrada aan dowliga ahayn iyo shaqsiyaadka adduun-weynaha oo dhan ku kala sugan ayaa Maalintan xusa – iyada oo soo jeediya aqoonta la xiriirta saameytiisa, sida looga hortagi karo ama loo maareyn karo.
Maalinta Caalamiga ee AIDS-ka waa mid kamid ah sideedda ol’ole oo si rasmi ah ugu lug leh faya-dhowrka guud ee caafimaadka adduunka kaas oo ay asteysay Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.
Mahad-gaar ah waxaa laga celinayaa kororka baahaya ee dawadiisa oo meelo badan oo dunida kamid ah laga heli karo. Maalinta Caalamiga ee AIDS-ka waxaa markii ugu horreysay ay ku timid tala-soo-jeedin ay sameeyeen James W. Bunn iyo Thomas Netter oo ahaa laba sarkaal oo katirsan xog-heynta guud ee Barnaamijka Caalamiga ee AIDS-ka ee WHO.
Labaduba waxay fikradda ula tageen Dr. Jonathan Mann, oo agaasime ka ahaa Barnaamijka loo yaqaan UNAIDS. Dr. Mann ayaa aad ugu riyaaqay fikradda wuuna ansixiyay: waana markaas kolkii ay ugu danbeyntii timid in 1 Dec loo aqoonsado Maalinta Caalamiga ee AIDS-ka.
Barnaamijka isku xiran ee QM uga golleedahay HIV/AIDS-ka, wuxuu shaqo galay sanadkii 1996-kii, waxaana uu bud-dhigay qorsheynta iyo abaabulka Maalinta Caalamiga ee AIDS-ka.
Halkii diiradda la saari lahaa maalin kaliya, UNAIDS ayaa abuurtay Ol’olaha Caalamiga ee AIDS-ka sanadkii 1997-kii si tooshka loogu ifiyo iskaashiga jira ee looga golleeyahay kahortagga iyo aqoonta cudurka la xiriirta.
Qaaradda Afrika ayaa ah midda ay ku nool yihiin bukaannada la xanuunsan cudurka AIDS-ka – halka fiditaanka feyraska HIV uu ku badan yahay. Majirto dawo si qayaxan loo daah-rogay taas oo lagu dabiibi karo cudurkan. Waxaase jira kuwa lagula tacaalo cudurka oo qofka ka saacida inuu ku sugnaado marxalad degan oo nafis ah.