Home / Maalmaha Caalamiga / 10 December- Maalinta Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha

10 December- Maalinta Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha

Himilo FM – Maalinta Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha waxaa la xusaa sanad kasta 10-ka bisha Dec – oo ah maalintii Kalfadhiga Guud ee QM uu la qabsaday Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha sanadkii 1948-kii.

Waxaana loo sameeyay xuquuqda aadanaha Dukuminti lagu dhex faafiyay Xuquuqda qof walba uu leeyahay, ka insaan ahaan u eegis la’aan, Midabkiisa, Diintiisa, Luqadiisa, Heybtiisa iyo Fikirkiisa.

Dukumintigan ayaa sidoo kale ah midka loogu turjumada badanyahay kaas oo lagu heli karo in ka badan 500 luqadood.

Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha wuxuu ka kooban yahay ama lagu xusay 30 xuquuqul-Insaan oo qofku xaq u leeyahay heliddeeda.

Hayeeshe, dunida wali kama aysan idlaanin rabshadaha iyo xad-gudubka ka-dhan-ka-ah xuquuqda aadanaha. Sida lagu qoray mareegta Dosomething.org, 40 milyan oo carruur ah oo da’da 15-jir ka yar ayaa ku sugan dayacaad iyo dhibaatayn. Tiro lagu qiyaasay 27 milyan oo qof ayaa lagu addoonsadaa Ka ganacsiga Dadka ee Suuqa-madow.

In ka badan 300,000 oo carruur ah oo da’da 18-jirka ka yar ayaa loo adeegsadaa askareynta iyo dagaallada. Halka ku dhawaad 121 milyan oo carruur iyo qaan-gaar kale isugu jira aysan helin fursad wax-barasho ama lagu qabso inay tacliinta isaga haraan.

Sida lagu qoray mareegta theresponsiblebusiness.com, rabshadaha ka-dhanka-ah haweenka iyo gabdhaha waa midka ugu xanuunka badan – halkaas oo haween ka badan 603 milyan ay ku nool yihiin dalal wali rabshadaha lagu hayo aan looga aqoonsan gabood-fal xad-gudub ku ah xuquuqda aadanaha.

Waxaa jira tiro lagu mala-awaalay 246 milyan oo carruur ah kuwaas oo xoogooda lagu shaqeysto dunida oo dhan. Geeddi-socodka taariikhda, haweenku waxay ahaayeen kuwa loo diido waxbarashada iyo micno walba oo ay ku suura-gelin karaan wax-u-qabsashada lafahooda iyo carruurtooda.

Halka dad badan aysan heli karin hanashada xuquuqaadka aas’aasiga u ah, haddana dhammaan adduunka oo dhami si siman uguma wada raaxaysan karo qoddobada xuquuqda aadanaha ee lagu saxiixay Baaqa Caalamiga. Wax laga yaabo inaysan dad badan ula muuqan xuquuq dadka kala dhaxeysa ayaa caadi ka noqday bulshada dhexdeeda.

Soomaaliya waxay kamid tahay goobaha aadku uga jiro xad-gudubyada kala duwan ee xuquuqda Aadanaha, marka loo eego warfidiyeenka caalamka. Suxufiyiintu waa kuwa ku jira kaalmaha hore.

Balse dhinaca qaraar ee ka-dhanka-ah xuquuqda aadanaha oo dalka ka jira waa sida aan u awood weynay u dabaal-degista kala duwanaanshaheenna taas oo gunta ka jaraysa isku duubnideenna iyo wada noolaanshaha naga dhaxeeya.

Kala bar mushaakilka ku horgudban isku xirnaanteenna waxaa lagu celin karaa dhowris la’aanta xuquuqda aan isku leennahay taas oo mar kasta albaab cusub u furaysa sedbursiino iyo qoonsimaad.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan