Home / Maalmaha Caalamiga / 11 December – Maalinta caalamiga ah ee Buuraha

11 December – Maalinta caalamiga ah ee Buuraha

Himilo – Buuraha ayaa gabbaad u ah 15% dadka caalamka iyo afar meelood meel xayawaanada iyo dhirta dhulka. Waxaa biyo nadiif ka hela kala bar dadka caalamka. Tani waxay abuureysaa ahmiyadda ilaalintooda oo qeyb ka ah yoolalka Qaramada Midoobay ee sannadka 2030-ka.

Nasiib xummo, buuraha ayaa wajahaya khatar kaga imaaneysa isbadalka cimilada iyo ka faa’iideysiga aan xadka laheyn. Waxyaabah ay la kulmayaan buuraha waxaa ka mid ah kuleylka daran.

Geesta kale, dadka ku nool buuraha oo ah kuwa ugu saboolsan caalamka ayaa halgan ugu jira badbaadada noloshooda iyo la qabsiga dhibootooyinka nololeed eek u soo kordhayay sanadihii tagay.

Maalinta caalamiga ee buuraha waxaa loo arkaa fursad lagu muujin karo codka haweenka ku nool dhulka buuraleyda ah. Dadka oo ka qaxa buuraha ayaa sabab u noqon karta in meel looga tago beerashada iyo dhaqamadii asalka ahaa.

Waxbarasho, tababar iyo fursado shaqo ayaa mustaqbal wanaagsan u abuuri kara da’yarta ku nool dhulka buuraleyda ah meel kasta oo caalamka ah.

Hal-ku-dhegga sannadkan ayaa loo qaatay ‘ Haweenka ka u dhaaqaaaan Buuraha’ iyadoo la dhiira gelinayo in haweenka deggan buuraha ay kamid noqdaan qorshayaasha horumarinta heer qaran iyo caalami.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan