Himilo – Golaha maamula Barnaamijka horumarinta qaramada Midoobay ee UNDP ayaa snadkii 1989-kii markii ugu horreysay la soo shir tagay maalinta caalamiga ah ee Dadka si ay dowladaha ugu baraarujiyaan kororka ku socda dadka dunida oo markaasi laba sano kahor gaaray 5 bilyan oo ruux.
Golaha loo dhan yahay ee ururka ayaa sanadkii 1990-kii fadhi ay yeesheen ku ansixiyay maalinta caalamiga ah ee dadka, taasi oo noqotay mid la wada qaatay. Waxaa isla sanadkaasi bishii Luulyo 11-keedii laga maamuusay in ka badan 90 waddan oo caalamka ah.
Sanad weliba laga soo billaabo 1990-kii waa loo dabbaldegaa maalinta caalamiga ah ee dadka, si dareenka dowladaha, ururada caalamiga ah iyo kuwa gudahaba ee gaarka loo leeyahay loogu jeediyo mushkilada dhaqan dhaqaale ee dul-hoganaya bulsha weynta dunida.
Waxaa mushkiladahan intooda ugu badan lagu baraarugay wixii ka danbeeyay sanadkii 2000-kii markaasi uu ay aad u xoogeysteen dadka ka haajiraya miyiga iyo xittaa kuwa ka socdaalaya dalalkooda ee u nolol raadsanaya kuwa kale.
Waxaa isla waqtigaasi xoogeystay kororka dadka dunida kuwaasi oo 22-ka bisha ina soo aadan ee November la qiyaasayo inay gaarto 8-bilyan oo ruux.
Marka dhinaca taban aan ka imaano kororkaasi waxay dhaqaalayahannadu rumeysan yihiin inuu wato fursado intaasi la’eg, kuwaasi oo ka faa’iideysigooda looga fadhiyo dadyowga caalamka oo ay ugu horreeyaan kuwa talada haya ee bulshada hoggaamiya.
Waxa ugu dhaw oo looga baaqsan karo in kororku abuuro mushkilad ayaa ah in la tayeeyo oo la xoojiyo aqoonta xoogga shaqeeya ee aadanaha ah, kuwaasi oo tayeyntoodu horseedi karto in dhaqaaluhu xoogeysto, sida ay qabaan bahda dhaqaalaha.
Si loo xoojiyo aragtidaasi loona dhiirigeliyo dadka dunida, ayaana sanadkan hal ku dheg loo qaatay “ Adduun siddeed bilyan ay ku nool yihiin oo u jiheysan kara mustaqbal loo dhabar adeeggo, ka faa’iideysiga fursadaha iyo hubinta xuquuqaadka dadka”.