Home / Maalmaha Caalamiga / 12 August- Maalinta caalamiga ee dhallinyarada

12 August- Maalinta caalamiga ee dhallinyarada

Himilo – Wasiirada dhalinyarada iyo matelayaal kale oo ka socday 146 dowladood iyo ismaamul oo caalamka ah ayaa ku yeeeshay Lisbon caasimadda Bortuqiiska kulankii ugu horreeyay ee noociisa ah, si dib loogu qaabeeyo siyaasadaha ku wajahan dhainyarada, loo dhaqan geliyo dib u eegesna loogu sameeyo.

Waxaa kulanka oo dhacay 12-kii agoosto 1998-kii gabagabadiisa laga soo saaray baaq qaatay magaca magaalada oo ahaa “Lisbon Declaration on Youth Policies and Programmes”.

Waxaa dowladihii iyo mateyaashii beesha caalamak eek a qeyb galayba ay ku balanqaadeen inay wax ka qaban doonaan dhinacyada ay saloogga ka qabaan dhalinyarada sida ka qeybgalkooda siyaasadda, horumarinta, nabadda, waxbarashada, caafimaadka, shaqaaleysiinta iyo kuwa kale.

Baaqan waxa uu gabagabo u ahaa dadaalo sanado soo tixnaa oo sare loogu qaadayay siyaasadaha dhalinyarada heer qaran iyo mid caalamiba.

Marka laga yimaado taasi, kulankaasi waxa uu sidoo kale gogol xaar u ahaa helidda maalin caalami ah oo u gaar ah dhalinyarada dunida oo sanad kaddib 17-kii bishii December, fadhi ay yeesheen golaha lo dhan yahay ee qaramada midoobay ayaa lagu iclaamiyay maalintan oo lagu asteeyay 12-ka agoosto.

Balse midkii xigay ee 1990-kii ma noqon in la qabto dabbaal degaya maalinta caalamiga ah ee Dhalinyarada oo waxaa markii ugu horreeysay la maamusay   sanadkii 2000-dii.

Mid ka mid ah sababaha loogu gaar yeelay Ayaan gaar ah ayaa ahayd in la weyneeyo doorka ay ku leeyihiin horukaca bulshada iyo saamiga ay ka yihiin bulshada caalamka oo lagu qaddaro inay ku dhaw yihiin kala bar dadyowga adduunka.

Dhalinyaradaasi qeybtood waxey ku nool yihiin Africa oo ah qaaradda ay ku dhaqan yihiin dadka ugu da’da yar caalamka. Tusaalle wadamada ka hooseeya saxahara oo tiradooda gaareyso 46-dal, bulshada ku nool 70% waxey da’doodu ka hooseeysaa 30-jir, taasi oo ka dhigan fursad Africa aysan la wadaagin dunida inteed kale.

Inkasta oo ay door muuqda ku leeyihiiin kobaca dhaqaalle ee qaaradda, hal abuurkooduna muuqdo, haddana fursado looma siiyo kusoo biiridda siyaasadda si ay qeyb kaga noqdaan go’aanadda masiiriga ah ee taabana noloshada bulshooyinkooda.

Oo baarlamaanadda dunida kaliya 2.6% ayaa ah dhalinyaro da’dooda ay ka hooseeyso sodon jir, kuwaasi oo boqolkiiba hal ay yihiin dumar. Taasi oo muujineysa isu dheeli-tirnaan la’aanta ka jirta miiska go’aannada lagu gaaro.

Waxaa hubaal ah in ku luglahaanshiyahooda ay wax badan ku kordhin karto xalinta mushkiladaha kala duwan oo ay wajahayaan bulshooyinka caalamka.

Inkasta oo uu jiro baraarug, marka loo fiiriyo baarlamaanada qaaradda Africa, iyo xittaa madax wadamada oo qaarkood ka ag dhaw da’da dhalinyaranimada, haddana wadadu ma ahan mid dhaw waxeyna u baahan tahay maalgelin xoogan.

 

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan