Home / Maalmaha Caalamiga / 13 June – Maalinta Caalamiga ah ee wacyigelinta xannuunka Albinism-ka

13 June – Maalinta Caalamiga ah ee wacyigelinta xannuunka Albinism-ka

Himilo – Albinism oo ka mid ah cudurrada dhaxalka ku yimaada, wxxuu ku dhacaa maqaarka isaga oo sababa inuu wada caddeeyo jirka ruuxa oo dhan illaa timaha madaxa iyo sunniyaha, sabab la xiriirta maadada midabeysa jirka ee Melinin-ka oo ka maqan.

Waa xannuun ku dhaca ruux weliba, inkastoo ay u badan yihiin dadka da’doodu tahay Sodon jir amaba wixii ka yar, sida mid ka mid ah cilmibaarisyada laga sameeyay xannuunka ay tilmaameyso.

Waxaa la qiyaasaa dunida in 17-kii kun ee qof midkood lagu arko ku dhalasho Albinism, balse dalalka ka hooseeya Sahara ee Africa tiradu intaasi waa ay ka badan tahay oo waxaa la weriyaa in Shantii kun ee cunug ee dhashaa midkood lagu arko xanuunka, sida tirakoobka qaramada midoobay uu sheegayo.

Dadkan la nool xannuunka Albinism oo dhaqaatiirtu ku daraan shaxda kooxda u nugul xannuunka kansarka maqaarka, ayaa kala kulma noocyo faquuq oo kala duwan bulshada ay ku dhex nool yihiin, taasi oo ku qasabta badankood in nolosha magaalooyinka ay ka door bidaan tan miyiga.

Tusaale sida sahan ay sameysay qaramada Midoobay lagu muujiyay, dadka xannuunkaasi la nool ee ku dhaqan waddanka Jamhuuriyadda Gonkada dimuquraadigga ah 22% waxey takoor kala kulmaan qoysaskooda, halka 66% ay kala kulmaan bulshada dhexdeeda.

Marka laga yimaado faquuqaasi waxaa lagula kacaa tacadiyo jireed, Tanzania, intii u dhaxeysay sanadihii 2000 illaa 2019-kii waxaa lagu dilay 76 ruux oo dadkaasi ka mid ah, halka 182 kalena ay ka badbaadeen weerarro lagu soo qaaday, iyadoo laga duulo quraafaadka leh xubnaha dadkaasi qofkii hela waxa ay u horseedayaan mustaqbal wacan.

Si la mid ah dadyowga kale, ma xaadiraan fasalada dugsiga iyo goobaha shaqooyin, sababta ugu wayn ee ka hor istaagsan ayaana ah in goobahaasi aysan caawineynin ruuxa qaba Albinism oo jirkiisu u baahan yahay daryeel gaar ah iyo wax ka difaaca ileyska cadceedda. Tiiyoo ay usii dheer tahay saboolnimo baahsan.

Si loo yareeyo tacadiyada ay la kulmaan dadka la nool xanuunka Albinism, ayaa sanadkii 2013-kii Golaha xuquuqul insaanka qaramada midoobay soo saareen qaraar ku baaqaya in laga hortago faquuqa lagu hayo, waxa uu soo dedejiyay baaqaasi in Golaha loo dhan yahay ay 13 Juun u iclaamiyaan maalinta caalamiga ah ee wacyigelinta xanuunka Albinism-ka, kaddib fadhigii ay yeesheen 18-kii Diseenber 2014-kii.

2015-kii, ayaana markii ugu horreeysay la xusay maalintaani, iyada oo dadka la barayo waxa uu yahay, laga sheekeynayo xadgudubyada lagu hayo iyada oo tilmaamayo hababka lagu yareyn karo.

Walow Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay uu sheegay in ay hoos u dhaceen tacadiyada lagu hayo dadkaasi, haddana taasi kama dhigna in dhibaatadu dhammaatay.

W/Q: Sacdiya Nuur Ciid

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan