Home / Maalmaha Caalamiga / 16 October- Maalinta caalamiga ee cuntada

16 October- Maalinta caalamiga ee cuntada

Dadka caalamka ee ku nool deegaanada magaalooyinka ayaa ahaa 5% sannadkii 1800 marka la eego xoggaha hay’adda Qaramada Midoobay. Tiradaasi way korortay iyadoo noqotay 47% sannadkii 2000.

Muddo 10 sanno gudaheed ah, waxaa la filayaa in tirada gaarto 65% sida ku xusan xogta hay’adda Qaramada Midoobay.

Iyadoo uu socdo isbadalkan, waxaa la arkay isbadal kale oo barbar yaalla islamarkaana la xiriira cuntooyinka iyo dhaqamadooda.

Waxay u muuqataa in dunida meel iska dhigtay dhaqamada cuntada loogu diyaarin jiray guryaha, taasi oo laheyd faa’iidooyin caafimaad.

Taa beddalkeeda, caalamka ayaa doorbidaya qaadashada dhaqamo cusub sida ku tiirsanaanta cuntada leh dufanta badan iyo kuwa la marsiiyo warshadaha.

Dadka ku nool magaalooyinka ayaa si gaar ah u xiiseeya cuntooyinka suuqyada waaweyn, cuntada fudud iyo maqaayadaha cuntada looga qaado xaafadaha.

Doorashada hab-nololeed wanaagsan oo cunto ah waa muhiim, buurnaanta darran ayaan ka jirin keliya dalalka horumaray balse waxaa laga soo wariyay dalalka dakhliga hoose.

Xilligan, 670 Milyan oo qofood iyo 160 Milyan oo carruur ah ayaa ka cabanaya buurnaanta xad dhaafka ah caalamka oo dhan.

Cunto xummada ayaa immika ka mas’uul ah xannuuno badan, iyadoo lala xiriiriyo 50% dhimashada dunida.

Xuska maalintan ayaa loogu talo galay in dadweynaha iyo dowladaha lagu war geliyo ahmiyadda nuuca cuntada ee aan dooraneyno si aan u helno hab-nololeed caafimaad ku dhisan.

Sannadkan, waxaa hal-ku-dheg loo qaatay ‘ qofkna yaan laga tagin’

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan