Home / Maalmaha Caalamiga / 17 September – Maalinta caalamiga ah ee badbaadada bukaanka

17 September – Maalinta caalamiga ah ee badbaadada bukaanka

Himilo – Fadhigii 72-aad oo ay yeesheen golaha caafimaadka adduunka sanadkii 2019-kii ayay ku saareen qaraar lagu asteeyay maalinta caalamiga ah ee badbaada bukaanka, taasi oo sanad weliba la xuso 17-ka bisha sagaalaad ee September.

Maalintan oo dhinac taalla ayaamaha kale ee u gaarka ah caafimaadka sida maalinta Qaaxada, Cagaarshowga, Duumada, iyo dhiig ku deeqista, waxaa lasoo jeediyaa dareemaha shaqaalaha caafimaadka, qoysaska, bukaannada, bulshada, hogaamiyeyaasha caafimaadka iyo siyaasad dejiyeyaasha si loo tusiyo khatarta jirta.

Waxaa la xoojiyaa wacyigelinta, iyo fahamka la xiriira xaaladaha caafimaad ee kala duwan, iyada oo la isku duwo awoodda bulshada illaa iyo tan beesha caalamka.

Maalintan badbaada bukaanka waxaa la adkeeyaan raacidda mabaadii’da aas-aasiga ah ee daweynta, taasi oo ku qotanta inaanan looga sii darin xaaladda bukaanka.

Daryeelka iyo daweynta aanan badbaadada lahayn waa khatarta ugu badan oo ay bukaannadu kala kulmaan xarumaha caafimaad, sida MCH-yada, Farmashiyeyaasha iyo isbitaallada ay u dabiib doontaan.

Khaladaadka ka dhaca bahda caafimaadka ee ka howlga xarumahaasi waa mid ka mid ah tobanka saboob ee naafeeya amaba ay u dhintaan bukaannada caalamka, sida ku dhigan xogta hay’adda caafimaadka adduunka.

Marka la fiiriyo qalliinnada aanan loo marin habraacyada rasmiga ah illaa 7 milyan oo bukaan ayey waxyeelo ku sababaan, halka daweynta aanan badbaadada lahayn sanadkii dunida kaga lumaan adduun lacageed oo gaaraya, $42 billion oo doolar.

Duritaanka oo mid kale oo halis galiya nolosha kumanaan bukaanno ah, waxey u horseeddaa naafanimo, in uu qaado infectionska faafa sida HIV iyo cagaarshowga noocyadiisa B iyo C.

“Daweyn nabadqab leh” waa hal ku dhegga sanadkan loo qaatay xuska maalinta caalamiga ah ee badbaadada bukaanka, iyada oo taasi lagu duullayo ayaa bahda caafimaadka lagu boorinayaa inay go’aankooda ku saleeyaan aqoon, hubin iyo xooraansi.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan