Home / Maalmaha Caalamiga / 18 September – Maalinta Caalamiga ah ee u sinnaanta mushaarka ragga iyo dumarka

18 September – Maalinta Caalamiga ah ee u sinnaanta mushaarka ragga iyo dumarka

Himilo – Maalinta sinnaanta mushaarka waxaa loo debbaal deggaa 18 September sanad kasta. Ujeedada joogtada loogu xuso ayaa ah in horumar weyn laga gaaro sidii mushaarka ay ugu sinnaan lahaayeen ragga iyo dumarka.

Qaramada Midoobay ayaa garwadeen ka ah maamuuska maalinta. Tiigsiga ururka ayaa ah in laga gudbo nooc kasta oo takoor ah oo haweenka lagula kaco marka laga hadlayo mushaar siinta goobaha shaqada.

Marka la cuskado xogaha la hayo dunida waxaa la diiwaan geliyay in dumarka ay ragga ka mushaar yar yihiin. Faraqa bannaan ee u dhexeeya waxaa lagu qiyaasay boqolkiiba labaatan (20%). Horumarka ilaa hadda laga gaaray ayaa hooseeya.

Gaaridda isku filnaan dhaqaale oo bulshada dhexdeeda ah waxaa loo arkaa inay dumarku laf dhabar u yihiin. Balse dhaqanka ay kala kulmaan xarumaha ay u shaqeeyaan qaarkood ayaa dedaalkooda bulsho kabida ah dhimaya.

Helidda mushaar ay kala mid noqdaan ragga ayaa ah arrin soo taagneyd gu’yaal, hase-yeeshee weli lama taaban bartilmaameedkii loo socday. Fal u rogidda talooyinka iyo soo jeedinada arrinkan ayaa adkaaday.

Si loo hubiyo dedaalka loogu jiro wax ka qabashada caqabadan, waxaa boorinayaa in loo wada kaco yoolka Qaramada Midoobay ee ah simidda mushaarka laga bixiyo hay’adaha.

Xaqiijinta mushaarka loo siman yahay waa arrin muhiim u ah ilaalinta xuquuqda bani’aadamka. Labada dhinac oo  dheefta shaqooyinka aan lagu kala korreysiin waxay fure u noqon kartaa helidda wax soo saarka wanaagsan.

Tan waxaa sugi kara dadweynaha oo u yeesha dareen dhow isla markaana mudnaan siiya kaalinta shaqada ee haweenka. Maanta oo kale ururka shaqaalaha adduunka wuxuu qabtaa kulamo waa weyn oo lagu dhiirigelinayo in goobahada shaqada aysan ka sii jirin in mushaarka loogu kala roonaado ragga iyo dumarka iyagoo isku heer iyo isku shaqo ah.

Ururarada heer gobol ee ka shaqeeya arrimaha bulshada, waxay soo tebiyeen inay caqabaduhu weli jiraan. Balse waxay dhanka kale far muuqeen inuu jiro baraaarug billow ah, goobaha qaar waxay ragga iyo haweenka u shaqeeya siiyaan mushaar mid ah.

Hase-yeeshee waxaa jira bulshooyin ku dhagan sii joogteynta dhaqanka u sinnaan la’aanta mushaarka, Farriimaha la is faro maanta oo kale ah ee kulamada xuska lagu soo gaba-gabeeyo waxaa ugu mudan in wacyi-grlinta la sii ballaariyo ilaa heer tuullo.

 

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan