Himilo – Maalinta aqoonsiga iskaa-wax-u-qabso ayaa la xusaa sanad walba 20-ka Abriil. Sida magacaba ka muuqata, waa maalin la xurmeeyo, la aqoonsado lana xuso shaqsiyaadka naf hurayaasha ah ee ku tabaruca waqtigooda iyo xooggooda si ay u caawiyaan dadka kale una horumariyaan arrimaha wanaagsan.
Mutadawacnimada ama howsha iskaa wax u qabso waxaa lagu qeexay Qaamuuska Cambridge sida – “qofka wax sameeya, gaar ahaan caawinta dadka kale, rabitaan iyo iyada oo aan lagu qasbin ama lacag la siinin inuu sameeyo.
Ereyga iskaa wax uqabso wuxuu soo ifbaxay markiisi ugu horreeyay intii lagu jiray 1630-meeyadii, laakiin waxaa si buuxda loo isticmaalay 1755. Kadib, waxaa loo tarjumay xag milatari, iyadoo la tixraacayo dadka iskood isu xilqaamay ee ku biiraya ciidanka.
Maalinta aqoonsiga iskaa wax u qabso waa xuska sanadlaha ah ee kuwa sida naf-hurnimada leh uga faa’iideysta nolosha dadka kale. Siinta caawinta kuwa baahan, aadanaha iyo xayawaanba si isku mid ah.
Maalintani waxay fursad siisaa bulshada, hay’adaha, iyo dowladaba in ay uga mahadceliyaan dadaalka dadka iskaa wax u qabso ku shaqeeya ee aan mushaharka qaadan, kuwaasoo door weyn ka qaata nolol wanaagga bulshada.
Waa geesiyaasha aamusan ee ka qaybqaata dhisidda bulshooyinka, caawinta kuwa baahan, iyo horumarinta horumar waara oo leh ruux wax bixin iyo xilkasnimo leh.
Hal ku dhega sanadkaan ee xuska maalinta aqoonsiga Maalinta aqoonsiga iskaa wax u qabso ayaa loo qaatay: “Ficil kasta oo naxariis leh, waxaan ku dhisnaa adduun ka wanaagsan.”
Maalinta Iskaa wax u qabso waa daqiiqad mahadnaq iyo fursad aad ku cusboonaysiiso ballanqaadkaaga adeegga aad bulshada u heyso.
Intaa waxaa dheer, iskaa wax u qabso waa aalad wax ku ool ah oo lagu gaaro yoolalka Qaramada Midoobay ee horumar waara, sida dhimista saboolnimada, hubinta waxbarasho tayo leh, helitaanka biyo nadiif ah iyo horumarinta magaalooyin iyo tuulooyin la noolaan karo.
Sidoo kale, dhaqanka iskaa wax u qabso wuxuu xoojiyaa midnimada bulshada iyo xasilloonida, marka dadku si mutadawacnimo ah isu abaabulaan, waxaa kor u kaca wadajirka, is aaminaadda iyo niyadda wanaagsan ee bulshada dhexdeeda.
Tani waxay si gaar ah muhiim ugu tahay meelaha ay ka dhaceen colaado ama ay ka jiraan kala qaybsanaan bulsho, maadaama ay dadka ku dhiirrigelinayso inay si wadajir ah u shaqeeyaan, iyagoo meel iska dhiga khilaafaadkooda.
Iskaa wax u qabso ayaa loo arkaa mid ka mid ah habka ugu muhiimsan ee isbeddelka togan ee bulshooyinka, islamarkaana kobcineysa niyadda wadajirka, gacanna ka geysata horumarinta adeegyada bulshada.
Inkastoo dhaqankan uu yahay mid asal ah oo lagu yaqaan bulshadeenna, haddana waxaa jirta baahi loo qabo in si casri ah loo sii hormariyo, iyadoo la adeegsanayo abaabul dijitaal ah iyo dhiirrigelinta ka timaadda madaxda deegaanka, culimada iyo ururrada bulshada.