Home / Maalmaha Caalamiga / 20 November – Maalinta warshadaha Africa

20 November – Maalinta warshadaha Africa

Himilo – Sanad kasta 20 November waxaa Africa looga dabbaal deggaa maalinta warshadaha qaaradda. Waa maalin laga wada hadlo sidii la isaga kaashan lahaa kacaan sanco oo si siman uga billowda guud ahaan dalalka gobolka ee la daalaa dhacaya dhibaatooyinka nololeed sida saboolnimada.

Dawladaha iyo ururrada ayaa muujiya inay ka go’an tahay sidii loo dardar gelin lahaa tiigsiga bar beegsigiisu yahay inay qaaraddu yeelato warshado waa weyn oo wax soo saarka kula tartama waddamada uu horey uga dhaqan galay dedaalka ay hadda Africa ku hawlan tahay.

Waa maalin horseeda in dareenka saxaafadda dunida lagu soo duwo Africa. Calamada dalalka ku abtirsada qaaradda ayaa la qotomiyaa madasha ay ka dhacayso munaasabadda xus sanadeedka. Waa sawir ka turjuma saaxiibtinimo.

Marka laga hadlayo ku guuleysiga horumarka, waxaa sal dhig iyo muhiimba u ah in la helo warshado awood buuxda u leh farsamooyinka. Tani waxay Africa gaarsiineysaa inay isku filnaan dhan walba ah ay ku tallaabsado muddo yar.

Africa oo ah hoyga in ka badan 1.4 bilyan qof, dadkeeda oo u badan dhallinyaro waxay la dhibtoonayaan shaqo la’aan. Warshado qalabaysan oo qaaradda ka hana-qaada ayaa la rumeysan yahay inay fursado shaqo abuur u keeni karaab da’yarta tamarta badan haya ee la’ waxay ku bixiyaan maankooda iyo muruqooda.

Saboolnimada darran ee ay la nool yihiin bulshooyinka Africa waxaa caawin kara helidda warshado is kaaba oo ka hirgala qaaradda. Tilmaamaha la siiyo qaaradda sida inay tahay guriga gaajada, goobta macaluusha, faqriga iyo wixii la mid ah, waxay uga mayran kartaa inay yeelato warshado ka yimid una yimid.

Abaaraha aafeeya sanad kasta qaaradda haddii la helo warshado waxay dadka ka caawin lahaayeen inay adkaysi u yeeshaan saameynta. Geesta kale waxay yareyn lahaayeen warshadahaasi saameynta dibadeed ee qaaradda ka noqday wax iska caadi ah.

Hindisaha maalinta warshadeynta Africa waxa uu ahaa feker dhalaalin kaddib lagu ansixiyay kulankii 25aad ee midowga Africa oo Bishii July 1989 lagu qabtay magaalada Addis Ababa.

Dhanka kale, golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa aqoonsaday isla sanadkaas. Gugii xigay 1990 ayaa maalinta warshadeynta Africa la xusay markii ugu horreysay.

Maanta oo kale waxaa la qabtaa dhacdooyin kala duwan oo ka dhaca gudaha qaaradda iyo dibaddaba. Sidoo kale waxaa ka qeyb qaata ururrada aan dawliga aheyn.

Qorshooyin sanadle ah ayaa miiska loo soo saaraa hoggaamiyaasha dalalka Africa. Waxaa la dhiiri geliyaa tallaabo kasta oo wax ku ool loo arko iyadoo la isla falanqeeyo tabaha loo baahan yahay.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan