Home / Maalmaha Caalamiga / 22 August – Maalinta caalamiga ah ee xasuusashada dhibbanayaasha rabshada ka dhanka ah

22 August – Maalinta caalamiga ah ee xasuusashada dhibbanayaasha rabshada ka dhanka ah

Himilo – Markii aadamuhu billaabay inay ka haajiraan dalalkooda iyo degaanada ay ku dhasheen si ay u helaan nolol dhaanta middii ay ku heysteen dhulalkooda, waxey u tageen bulshooyin ka dhaqan, hab fikir, hab maamul, mararka qaarna ka diin duwan.

Inkasta oo billowgii ay ku adkeyd nolosha sabab la xiriirta iyaga oo aanan helin soo dhaweyn habboon, haddana waxa ay degaansadeen carradii ay tageen. Waxey ku qasbaneedeen inay la fal galaan bulshooyinka ay u tageen, iyaga oo galay suuqa shaqada.

Isku daygaasi waxa uu soo de-dejiyay in loo muujiyo naceyb, iyaga oo lagu fogaynayo diinta ay rumeysan yihiin. Haddallada xanafta leh waxey noqdeen hubka kaliya ah ee loo adeegsan karo mujtamacaasi qudhooda kala diinta, dalka iyo isirkaba duwan.

Muslimiintu waxey noqdeen dhibbana koowaad ee tacadiyadaasi ka baxsan xeerarka caalamiga ah oo waxaa la bartilmaameedsaday masaajidooda, qoraalo lagu soo saaray wargeysyo ayaa lagu aflagaadeeyay diinta iyo suubannaheenna Muxamed NNKH, si loo fogeeyo.

Mid ka mid dhacdooyinka qoyan ee weli muuqanaya waa toogashadii 15-kii Maarso sanadkii 2019-kii ka dhacday masjid ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

Brenton Tarrant, oo ku hubeysan qori kuwa darandooriga u dhaca ah ayaa gudaha u galay masjidka oo lagu oogayay salad isaga oo toogtay in ka badan 50 ruux oo muslimiin ah.

Inkasta oo baaqa caalamiga ah ee xuquuqul insaanka ee la saxiixay 10-kii December sanadkii 1948-kii, qoddobadiisa 18-aad, 19aad iyo 20-aad na ay qofka u ogolaanayaan meel weliba uu joogo inuu baran karo, dabbaqi karo uuna ku dhaqmi karo diinta uu rumeysan yahay, haddana dadkii haajiray oo la raaciyay bulshooyinka laga tirade badan yahay xaqaasi waa laga xayuubiyay.

14-cishi kaddib weerarkii ka dhacay New Zealand, fadhi ay yeesheen golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa laga soo saaray qaraar oggolaanayay iclaaminta maalinta caalamiga ah ee xusuusashada dhibbanayaasha ku waxyeelooba falalka ka dhanka ah diimaha.

Waxaa la xusaa 22ka bisha agoosto sanad welina, waxaa bulshooyinka lagu booriyaa inay muujiyaan dulqaado oo ku wada noolaadaan si nabad doon. Waxaa baraha bulshada la mariyaa fariimo ayida wada noolaanshiyaha nabdoon, dhana kale lagu durayo adeegsiga haddalada xanafta leh oo loo arko shidaala sii hurinaya mushkiladda taagan.

 

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan