Himilo – Nolosha malaayiin ruux oo ku nool caalamka ayaa ku tiirsan dalxiiska, halka dowlado badan uu u yahay isha ugu wayn ee dhakhliga soo gala.
Dal-xiisku wuxuu ka mid noqday dhinacyada uu saameynta taban ku yeeshay Feyruska karoona kaas oo xayiraaddii ka dhalatay ay qasabtay in albaabada la isugu dhufto goobo badan oo loo tamashle tagi jiray.
Si loo muujiyo muhimadda dalxiisku u leeyahay nolosha aadanaha ayaa sannadkii 1980-kii 27 bisha September waxaa loo aqoonsaday maalin ay tahay in la isku baraarujiyo xoojinta dalxiiska.
Dalxiiska waxa uu toban boqolkiiba ka yahay wax soo saarka guud ee caalamka, iyada oo mid ka mid ah tobankii qof ee ku jira suuqa shaqada uu ka shaqeeyo dalxiiska.
Dalxiiska iyo COVID-19:
Sida ku cad xogta ururka dalxiiska dunida ee WTO, COVID-19 dartii, 100-120-milyan oo shaqooyin dalxiis ah ayaa qatar ku jira. Dhallinyarada ku nool degaanada miyiga ah ee caalamka ayaa saameynta ugu badan dareemi doona.
Shantii bil ugu horreeysay sannadkii 2020 56% waxaa hoos u dhacay dalxiisayaasha caalamka, taas oo ka dhigan in la waayay adduun dhan 300-bilyan oo doolar .
Qasaarahaasi waxa uu seddax jibbaar ka badan yahay midkii la galay sannadkii 2009-kii, markaas oo dhibaatooyin dhaqaale ay ka jireen caalamka.