Himilo – Tan iyo sannadkii 2016-kii, UNESCO ayaa xusta 28-ka September maalinta caalamiga ee helitaanka guud ee xoggaha kaddib qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobay oo loogu asteeyay maalintan xuska xaqqa helitaanka xoggaha caalamka.
Helitaanka xoggaha waaa xaq katirsan xuquuqda aadanaha oo kaalin wanaagsan ku leh dhiira gelinta isaga oo fududeeya doodaha wanaagsan islamarkaana fursado loo simman yahay siinaya dadka oo dhan.
Xaqqa helitaanka xoggaha ayaa sidoo kale riixa in la helo dowladnimo adag oo ku tilmaaman daah-furnaan iyo isla xisaabtan iyadoo tani u goggol xaarayso xurriyadda hadalka, dhaqanka iyo kala duwanaanta afafka.
Sababtan awadeed, xaqqa helitaanka guud ee xoggaha waa tiir weyn oo kamid ah ajandaha QM ee sannadka 2030-ka
Hay’adda UNESCO ayaa kaalin ka qaadanaysa dhismaha bulsho u dhan aqoonta iyadoo la dhiira gelinayo xurriyadda hadalka, horumarinta warbaahinta iyo sidii bulshooyinka u heli lahaayeen xaqqa xoggaha.
Waxyaabaha aas-aaska u ah noloshada aadanaha qarnigan 21aad kuna xigi kara helidda hoy, cunno iyo biyo waa helida xogta oo ka mid ah xuquuqaadka uu muwaadinku leeyahay, taasi oo u fududeyn karta inuu qaato go’aan togan isaga oo markaasi ka fogaanaya khaladaadka, waana halka laga yiraahdo muwaadin xog helay ayaa qaata go’aan maangal ah.
Waxey xogtu sidoo kale innaga caawisaa inaan fahanno waxa ka soconaya hareeraheenna, hello aqoon, sidoo kale aan barano tabo aan ku badbaadin karno nolosheenna xilliyada ciriiriga iyo mushkiladaha.