0
5

Himilo- Isbadalka waqtiga ayaa la rumensan yahay inuu saameyn ku yeeshay habkii loo baran jiray culuumta diinta qaybaheeda kala duwan loogana baran masaajida iyo goobaha kale oo loo gaar yeelay barashada diinta waxaana isbadal uu ku yimid xerta iyo cilmi doonkii soo xaadiri jiray xilqoyinka lagu daraasayo faniyada.

Xiliyadii hore waxaa jiray dad cilmi doon ah oo leh da’ kasta kuwaas oo degaanadooda uga soo socdaali jiray si ee u soo xambaaraan culuumta diinta waxa ayna bulshada dhaxdeeda kula hayeen maamus iyo marti galin la xiriira in laga caawiyo nolosha hasa ahaate waxay arintaasi u muqataa mid sii baaba,eysa.

Dadka cilmi doonka ah laftirkooda ayaa aaminsan inuu jiro faaruq ku aadan habka ay xertu usoo xaadiran xilqoonyinka cilmiga laga raacdo.

Dadkeena waa kuwa ku suntan diin jaceel iyo qiimeynta kuwa u gaaroba u qidmeynta diinta waxayna soomalida dhaxdeeda barashada diinta ku leedahay saameyn aan la inkiri Karin.

Radio himilo ayaa warbixintan ka diyaarisay hoos u dhaca nadaamkii waxbarasho ee xereysiga.

 

 

halkan ka daawo

https://www.facebook.com/RadioHimilo.so/videos/544009097995291