Home / Maalmaha Caalamiga / 29 August – Maalinta caalamiga ah ee ka-dhanka-ah tijaabada Nuclear-ka

29 August – Maalinta caalamiga ah ee ka-dhanka-ah tijaabada Nuclear-ka

Himilo – Tan iyo marki la sameeyay tijaabadii ugu horreysay ee hubka sida darran wax u baabi’iya ee nukliyeerka bishii luulyosanadkii 1945-kii, in ka badan 2000 oo tijaabo ah ayay dowladuhu sameeyeen, waana xagal laga qiimeyn karo xowliga uu u socdo sameysashada hubkaasi.

Billowgii waxaa loo arkayay in isticmaalkiisa saameyn taban uusan ku yeelan karin aadanaha, balse taariikhdu waxey werisay in waxyeelo xoogan oo sanado sii jirta uu u geystay bini’aadamka markii lagu adeegsaday dagaalkii labaad ee dunida.

Ciidamadii Mareykanka ee dagaalkaasi ku jiray ayaa xilli subax ah 6-dii agoosto sanadkii 1945-kii bam nulkiyeer ugu dhuftay magaalada Herushima ee dalka Japan, waxa uu sababay in ku dhawaad gabi ahaanba ay dunto oo ay dhulka gasho.

Seddax cisho kaddib, xilli barqa ayey sidoo kale ciidamadu nukliyeer kale ku dumiyeen Nagazaki. Markiiba waxa ku geeriyootay labada magaalo 100-kun oo ruux oo isugu jiray rayid iyo ciidamo kuwii dagaalka ku jiray ah, waxaase goor danbe la weriyay in khasaaruhu ku dhaw yahay 200-kun.

Waxyeeladu ma ahayn mid dhammaatay oo illaa iyo iminka ayaa goobaha lagu dhuftay uu ka baxaan shucaac halis ku ah nolosha bini’aadamka.

Marka laga yimaado in dhacdooyinkaasi ay Japan ku xanbaareen inay is dhiibto dagaalkii labaadna uu soo idlaato, haddana waxay noqdeen taariikho lasoo xigto si aadanaha loo xusuusiyo halista ay leedahay adeegsiga hubka nukliyeerka.

Mar kale waxay soo dedejiyeen in la saxiixo heshiisyo lagu xakameynayo adeegsiga bamba atoomikada, waxaa ka mid ah kuwii ugu horreeyay Non-Proliferation Treaty oo loo soo gaabiyo NPT, kaasi oo dhaqan gal noqday wuxuu mudda jiitamaba 1970-kii.

Mar kalena, aas-aaska wakaaladda atoomikada adduunka ee boorisa isticmaalka nabdoon ee tamarta Nukliyeerka ayaa ka dhashay bambaanooyinkaasi lagu dhuftay Japan.

Intaasi kaddib waxaa la billaabay in la faafiyo cahdiyada mamnuucaya adeegsiga hubka illaa laga soo gaarsiiyo dalalka aanan xittaa qorsheyneynin sameysashada amaba ka faa’iideysiga tamarta nukliyeerka.

Wixii ay socotaba, 2-dii December, sanadkii 2009-kii, fadhigii 64aad ee golaha loo dhan yahay ee qaramada Midoobay ayaa lagu go’aamiyey malinta caalamiga ah ee ka hortagga tijaabada hubka nukliyeerka, taasi oo sanad weliba la maamuuso 29-ka bisha agoosta.

Waxey qaramada Midoobay rumeysan tahay in tan iyo xilligaasi horumaro laga sameeyay hadafyada ku aadan cirribtirta hubka nukliyeerka.

Qaar ka mid ah horumaradaasi waa in uu dhaqan gal noqday 22-kii janaayo sanadkii tagay, heshiiska mamnuucista hubka nukliyeerka iyo in bishii xigtay ee isla sanadkaasi la kordhiyay mudada uu sii jirayo heshiiskii ka dhaxeeyay Mareykanka iyo Midowgii Suufiyeeti ee ku aadanaa xadididda madaxyada nukliyeer.

Waxaa la gaarsiiyay illaa February 4, 2026. Iyada oo laga faa’iideysanayo xuska maalintan ayaa la baahiyaa fariimo dadka lagu barayo halista bam atoomika, waxaana la raaciyaa kuwa nabadeed oo wacyigelin ah.

 

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan