Home / Arrimaha Bulshada / 37-jir baratay 74 xirfadood si ay u maareyso nolosha qosykeeda

37-jir baratay 74 xirfadood si ay u maareyso nolosha qosykeeda

Himilo – Qarnigan 21aad xirfaddu waa waxa kaliya ee uu ruuxu ku samatabixin kara oo qofba kan uu ka xirfad badan yahay uu ka maareyn ogyahay nolosha, waxaa taasi tusaalle fiican u noqon karta Sreedevi, oo ku nool koofur-bari India oo baratay 74-ka xirfadood.

Markii uu ka tagay aabaheed ayey billawday inay falkiso dabadeedna iibiso dirmo laga sameeyay caleenta geed timireedka, si ay u hesho nolol maalmeedka hooyadeed iyo gabadha yar, xilligaas waxey da’deedu ahayd 18-jir.

Dakhliga kasoo gala shaqadaasi oo yaraa, ayaa waxey dantu biday inay barato xirfado kale sida habka saliidda looga dhaliyo Lowska, loo kaxeeyo cagaf-cagafta, loo iibiyo dharka, loosoo dabo masaska, loona xanaaneeyo kalluunka iyo digaaga, iyada oo markaasi dooneysa dakhli ku filanaan kara noloshooda.

Sida ay daabacay mareegta newindianexpress, waxey waqtiyadaasi mar u dhaw ku biirtay koox haweenka u tababara fuuliska geed qumbaha, waxey ahayd tan kaliya ee deegaankeeda ka barata xirfadaasi.

“Dadka xaafadaha Vellayambalam iyo Peroorkada way ii imaan jireen si aan u fuulo geed qumaha una caawiyo” ayey tiri. Waxey sidoo kale baratay habka loo soo dabo loona xanaaneeyo Bakeylaha

Waxaa dhawaan la gudoonsiiyay biladda beeraleyga ugu wanaagsan degaankooda.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan