Home / Cayaaro / 5 tababare oo kubbadda cagta ah oo ay soo gaadheen dhaawacyo xun

5 tababare oo kubbadda cagta ah oo ay soo gaadheen dhaawacyo xun

Himilo – Inkasta oo inta badan ay tahay ciyaartoyda kuwa ay dhaawacyo ka soo gaaraan shaqada – waxaa jiray kiisas badan oo maamulayaasha iyo tababarayaasha ah oo naftooda la kulmay.

Tababaraha rug cadaaga ah Louis Van Gaal ayaa lagu qasbay inuu beddelo qaab maamulkiisa garoonka tababarka ka dib dhicistii, isagoo isticmaalaya buggy golf oo ah mooto gaari oo kale ah oo looga shaqeeyo garoomada oo ah sida ugu macquulsan bilowgii bishan.

70-sano jirkaan, oo ku jira markii saddexaad ee maareeyanimada qaranka, ma seegin doorkiisa maamul ka hor guushoodii Norway ee  isreebreebka Koobka Adduunka ay la ciyaareen .

Iyadoo macalinka reer Holland uu u halgamayo gudashada waajibaadkiisa, waaxaan eegaynaa shan tababare oo ay dhaawacyo soo gaareen.

Thomas Tuchel

Tababaraha ku guuleystay Champions League ee Chelsea Thomas Tuchel ayaa ku qasbanaaday inuu xirto kabaha buutka ee dhawaca loogu tala galay  intii lagu guda jiray safarkii PSG ee finalka tartanka ololahii 2019/20.

Jarmalka ayaa la arkayay isagoo ku fadhiya sanduuq qaboojiye ah intii ay socotay ciyaartii semi-finalka ee ay la ciyaareen RB Leipzig, isagoo ka murgacday anqowga oo uu ka jabay lafta dheer ee isku xirta cagta iyo faraha lugaha.

Dhaawacuna wuxuu kusoo gaaray tababarka.

Gary Lewin

Dhaawacyadii ugu caansanaa ee soo gaarey tababarayaasha ayaa yimid intii lagu guda jiray ciyaartii England 2014 ay kula ciyaareen Italy ciyaar ka dhacday Manaus, Brazil.

Physio Lewin ayaa anqowga kaga jabay shil lama filaan ah xilli uu u dabaaldegayay goolkii barbaraha ee Daniel Sturridge, ka dib waxaa loo diray guriga waxaana lagu beddelay Steve Kemp.

Lewin wuxuu yiri: “Aad ayaan uga niyad jabay inaan guriga  aado, shaqo badan, qorsheyn iyo diyaargarow ayaa galay tartankan.”

“England waxay leedahay shaqaale qolka danbe oo cajiib ah kuwaas oo sii wadi doona inay siiyaan taageero heer sare ah ciyaartoyda iyo maamulka.”

Gareth Southgate

Gareth Southgate ayaa si kooban u xirtay gacan gashiga dhaawaca ka dib markii uu sibxaday intii ay socotay ciyaartii u dhaxeysay xulkii England uu ka badiyay Panama iyo Tunisia ee koobka adduunka 2018.

Waxa uu u sheegay FA.com: “Waxaa laga yaabaa in aanan u dabaaldegin wax gool ah mustaqbalka!”

Mick McCarthy

Mick McCarthy ayaa qaybtii ugu fiicnayd ee bisha ku qaatay biro ka dib qalliin lagaga sameeyay anqowga intii uu ahaa tababaraha Wolves intii lagu jiray ololihii 2008/09.

Hogaamiyaha ruug caddaaga ah ayaa ka hadlay sida uu u isticmaalo ulaha birta ah waxa uuna ka calaacalay Xaqiiqda ah inay tahay in la dhigo dhulka oo mar kale la soo qaado marar badan maalintii.

Waxa uu wakhtigaas yidhi: “Haddii qof uu la iman karo nashqad waxa uu samayn lahaa malaayiin iyo malaayiin.

“Kuwani runtii way i niyad jabiyaan, maalintii kalena waxaan aad u damcay inaan jaranjarooyinka ka soo tuuro.”

Ronald Koeman

Ronald Koeman waxa  dhaawac ka soo gaadhay seedaha ciribta ka kor ah intii uu ku guda jiray tababarkii Southampton ee 2015-kii maalintii ay isku dhaceen Vitesse Arnhem ee Europa League.

Isagoo ka soo baxay garoonka Gelredome ee kooxda Nederland, waxaa lagu qasbay inuu bas yar oo gaar ah u raaco kooxdiisa.

Koeman ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: “Waxaan rajeynayaa in aanan garoomada ka maqnaan doonin muddo dheer.”

W.Q: Hanaa Maxamed Maxamuud

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan