Himilo – Liverpool ayaa quudareneysa in ay u dhaqaaqdo weeraryahanka kooxda Lyon iyo bartilmaameedka Barcelona xiddiga lagu magacaabo Memphis Depay.
Laacibka qaranka Netherlands ayuu qandaraaska uu ku joogo Groupama Stadium waxa uu ku egyahay dhammaadka fasalkan.
Barca ayaa si weyn u dooneysay 27 sanno jirkaan kaasi oo 18 bilood oo aan guuleysan kusoo qaatay kooxda Manchester United.
Si kastaba The Mirror ayaa ku warrameysa in Liverpool ay isku dayeyso soo qaadashada Depay.
Depay ayaa dhaliyay 74 gool halka uu caawiyay 52 gool kaddib markii uu saftay 173 kulan isaga oo u ciyaaraya Lyon.