Himilo – Baddu oo lagu micneeyo qeybta leh biyaha dhanaan, waxey dabooshaa ku dhawaad 71% badka koonka aan ku nool nahay, waa mid ka mid ah ilaha taageera qulqulka nolosha aadanaha iyo unug waliba oo nool, iyada oo soo saarta ugu yaraantii kontan boqolkiiba neefta oksijiin ee dirtu soo deyso xooluhuna qaato.
Waxey hooy u tahay noolaha ugu badan caalamka oo kala jaad ah, balaayiinka ruux ee dunida ku nool-na waa isha ugu wayn oo ay ka helaan boratiinka. Badaha waxey sidoo kale fure u yihiin dhaqaalaha dunida oo mid ka mid ah tobankii qof ee nool ayaa ku tiirsan dakhliga amaba cunada uu kasoo saarto badda waxaana la qiyaasayaa in sanadka 2030 dadka u shaqa taga warshadaha badda ku tiirsan inay gaaraan 40 milyan oo ruux.
97% biyaha laga helo meeraha seddaxaad waxaa ay ka yimaadaan badaha caalamka. biyahahaasi dhadhaan waxey nuugaan kuleylka qoraxda, taasi oo gacan ka geysata in dhulku qaboobo oo cimiladda adduunkuna noqoto mid isku dheeli-tiran.
Haddii aan si kale u dhaho marka halkaasi la taagan yahay baddu waxey qaatadaa laba door oo muhiim ah oo waxey soo deysaa kuleyl marka cimiladu qabow tahay, tussaalle xilli roobaadyada, marna waxey noqtaaa sida qaboojiye oo kale iyada oo inna siisa qabow waana marka lagu jiro xilliyada kuleylaha sida Jiilaalka iyo Deyrta.
Iyada oo faa’iidadaasi leh ayaa haddana dhaqdhaqaaqa aadanuhu waxyeeleeyaa noolaha ku jira, oo sanad waliba in ka badan 13 milyan oo metric ton oo baco iyo caagado ah, ayaa lagu qubaa badaha, sida qiyaasaha qaramada midoobay ay tilmaamayaan.
Balaastikadaasi waxey waxyeelo gaari karta dhimasho u keentaa noolaha badda ku jira, sida malaagya, Diindiin badeedka, noocyada kala duwan ee shinbiraha badda ku nool iyo kuwa kale.
Seynisyahanada ayaa rumeysan in 60% dhammaan shinbiraha ku nool badda ay cunaan haraadiga balaastikada ah ee lagu qubo badaha, waxaana la qiyaasayaa in tiradu kororto oo ay gaarto 99% sanadka 2050-k. Shinbirahaasi milyan ka mid ah ayaana u geeriyooda saameynta taban ee ka dhalata haraadigaasi ay cunaan.
Si mushkiladahaasi loo yareeyo, ayaa 1992-kii la shaaciyay hindise ahaa in loo sameeyo Badaha maalin gaar ah, soo jeedintaasi ayaa taageero ka heshay madaxkii ka qeyb gashay shirkii Qaramada midoobay ee horumarinta deegaanka ee lagu qabtay caasimadda Barasiil ee Rio De Janeiro.
Wuxuu muddo soo jiitamaba, 17 sano kaddib, 2009-kii ayaa si rasmi ah loogu iclaamiyay 8-da Juun maalinta caalamiga ah ee Badweynada Dunida.
Waxaa xuskeeda oo sanadkii labaad loo qabanayo hab fogaan arag ah feyruska karoona dartiis, la dhageystaa dhawaaqa ururada u dhaqdhaqaaqa degaanka, dowladaha caalamka, iyada oo la isku booriyay in la qaado tallaabo wax looga qabanayo dhibaatooyinka lagu hayo badweynnada caalamka.
W/Q: Sacdiya Nuur Ciid