Home / Cayaaro / Everton oo Dele Alli kala wareegtay Tottenham Hotspur

Everton oo Dele Alli kala wareegtay Tottenham Hotspur

Himilo – Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa qalinka ku duugay heshiis labo sano iyo bar ah oo uu ku joogayo garoonka Goodison Park, isagoo kooxda sii joogaya ilaa June 2024-ka.

Alli ayaa heshiis bilaash ugu biiray Everton balse waxay kooxdu bixin doontaa £10m marka uu ciyaaro 20 kulan, wuxuu noqday saxiixii ugu horreeyay ee joogto ah ee tababare Frank Lampard.

“Waan ku faraxsanahay inaan u saxiixay Everton, koox weyn oo taageere weyn leh iyo taariikh,” ayuu Alli u sheegay website-ka kooxda.

25 jirkaan ayaa u saftay 269 kulan Tottenham ka dib markii uu kaga soo biiray MK Dons 2015, isagoo u dhaliyay 67 gool waqtigaas.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan