Himilo – Markii uu ka shaqeyn waayey leyli guri oo looga soo diray dugsiga dhexe ayuu mariyay ciqaab nooceeda dhif iyo naadir ah.
Aabaha oo ka carooday dayacaadda uu sameeyay wiilka yar, ayaa go’aansaday inuu geeyo qabuuraha ay ku aasan yihiin awoowayaashii, kaas oo ku yaala meel u dhaw deegaanka ay ku nool yihiin oo bariga Shiinaha ah.
Si uu u waano qaato, ayuu kaga tagay qabuurihii, nasiib darrase markii uu dib usoo laabtay ayuu waayay wiilkii yaraa.
Isaga oo welweliya ayuu ku wargeliyay boliiska, kadib 40-daqiiqo oo la baadigoobayay ayaa la helay isaga oo badqaba.
Aabaha oo doonayay inuu ciqaab mariyo wiilkiisa yar ayaa ciqaabay naftiisa!!!