Amazon oo qorsheyneysa inay shaqaalaheeda ku baddesho robotyo – warbixin cusub

Himilo – Shirkadda Amazon ayaa qorsheyneysa in ay badiso robotyada u shaqeeya, taas oo keeni karta in la yareeyo baahida loo qabo in la shaqaaleysiiyo in ka badan nus milyan oo shaqaale ah sanadaha soo socda, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday The New York Times.

Warbixinta oo ku saleysan dukumiintiyo gudaha shirkadda iyo wareysiyo lala yeeshay saraakiil ka tirsan Amazon ayaa muujisay in waaxda robotics-ka ee shirkaddu ay qorsheyneyso in ay robotyo ka hawlgeliso saddex meelood laba meel oo ka mid ah howlaha shirkadda.

Tallaabadani, sida lagu sheegay warbixinta, waxay shirkadda u sahlaysaa in ay ka baaqsato in ka badan 160,000 shaqaale cusub ilaa 2027, taas oo lagu qiyaasay inay shirkadda u badbaadin karto ilaa $12.6 bilyan muddada u dhexeysa 2025 ilaa 2027.

Amazon ayaa sidoo kale saadaalineysa in ay labalaabi doonto iibkeeda sanadka 2033, iyada oo aan koror weyn lagu sameyn tirada shaqaalaha. Shirkaddu waxay sheegtay in nidaamka robotyada uu shaqaalaha ka xoreynayo shaqooyinka soo noqnoqda isla markaana uu abuuri doono fursado cusub oo farsamo, sida dayactirka robotyada iyo injineernimada.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Amazon ay isku dayeyso in ay si taxaddar leh u adeegsato ereyada ku saabsan robotyo, iyadoo doorbideysa isticmaalka erayo ay ka mid yihiin “tignoolajiyada horumarsan” iyo (robotyo la shaqeeya dadka) halkii ay si toos ah u sheegi lahayd “robotyo,” si looga fogaado cabsi iyo falcelin bulsho.

Tan iyo 2018, tirada shaqaalaha Amazon ee Mareykanka ayaa si weyn u korodhay, iyadoo hadda gaaraysa ku dhowaad 1.2 milyan oo qof.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan