Home / Cayaaro / Arsenal iyo Manchester City oo loo gacan geliyay saxiixa Denis Zakaria

Arsenal iyo Manchester City oo loo gacan geliyay saxiixa Denis Zakaria

Himilo – Agaasimaha isboortiga Max Eberl ayaa qirey in Denis Zakaria ay u badan tahay inuu ka tagayo Borussia Monchengladbach xagaagan.

24 jirkaan ayaa wacdaro ka dhigay Bundesliga tan iyo 2017, isagoo wadar ahaan u saftay 109 kulan wuxuuna ka caawiyay kooxdiisa inay u soo baxdo Champions League.

Si kastaba, qaab ciyaareedka ciyaaryahanka reer Switzerland ayaa si dabiici ah u horseeday xiisaha meelo kale, oo ay ku jiraan Arsenal iyo Manchester City.

In kasta oo Monchengladbach ay isku dayeyso inay qandaraaska u kordhiso ciyaaryahanka 2022-ka Eberl wuxuu qirey in bixitaanku u eg yahay mid aad u dhow.

Isaga oo la hadlaya wariyaasha, Eberl waxa uu yiri: “Denis, waxaan isku dayeynay in aan kordhino qandaraaskiisa ilaa bishii Oktoobar. Denis iyo maamulkiisa si cad ayey noogu sheegeen in ay doorbidayaan in xagaagan  baxaan .”

Liverpool oo u baahan bedelka Georginio Wijnaldum ayaa sidoo kale lala xiriirinayay inay u dhaqaaqeyso Zakaria waqti hore.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan