Himilo – Sida ay ku warameyso Goal.Com, Arsenal ayaa diiradda saartay soo qaadashada khadka dhexe Chelsea ee Jorginho, kaddib markii ay seegeen xiddiga Lyon, Houssem Aouar.
Arsenal ayaa lala xiriirinayay soo qaadashada Aouar suuqa xagaagan iyaga oo ku dalbaday €35 milyan oo Yuuro, balse lacagahaasi kooxda Lyon ayaa soo diiday.
Naadiga fadhigeedu yahay dalka France ayaa laacibka ku dooneysa qiimo dhan €60 milyan oo Yuuro, halka Arsenal ay awoodi weysay bixidda qarashaadkaasi.
Arsenal ayaa dhawaan Emiliano Martinez iyo Sead Kolasinac ka dirtay naadiga iyaga oo ku kala biiray kooxaha Aston Villa iyo Bayer Leverkusen waa sida ay isagu xigaane.