Himilo – Kooxda Arsenal ayaa isha ku heysa gool-hayaha naadiga Aston Villa ee Tom Heaton si uu u noqdo goolhaye loo adeegado kursiga keydka.
Gunners ayaa iska iibisay Emiliano Martinez kaasi oo ku biiray Villans xagaagan waxaana booskiisa lagu beddelay Alex Runarsson oo hadda ku dhibtoonaya la qabsiga naadiga.
Runarsson ayay u badan u tahay in amaah loo diri doono kahor inta aysan dhammaan bisha January balse waa marka la helo goolhaye cusub oo la loolama Bernd Leno.

