Home / Cayaaro / Arsenal oo xiisa u heysa weeraryahan ka ciyaara horyaalka Bundesliga

Arsenal oo xiisa u heysa weeraryahan ka ciyaara horyaalka Bundesliga

Himilo – Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa weeraryahanka Borussia Monchengladbach Alassane Plea xagaagan.

Gunners ayaa u aragta laacibka reer France bedelka ugu macquulsan ee Pierre-Emerick Aubameyang iyo Alexandre Lacazette, kuwaas oo mustaqbalkooda kooxda aan la hubin.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Borussia Monchengladbach ayaa diyaar u ah inay fasaxdo Plea xagaaga madaama ay doonayaan inay yareeyaan mushaarkooda. Kooxda reer Jarmal ayay u badan tahay inay aqbasho dalab ku dhow 15 milyan oo ginni oo ay ku dooneyso weeraryahanka.

Plea ayaa yimid Gladbach isaga oo ka yimid Nice sanadkii 2018. Wuxuu ahaa mid aad u soo jiitay kooxda, iyadoo awoodiisa uu kaga ciyaari karo safka hore ay faa’iido weyn u tahay kooxda.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan