Home / Cayaaro / Barcelona oo u dhaqaaqday daafac ka tirsan kooxda Ajax

Barcelona oo u dhaqaaqday daafac ka tirsan kooxda Ajax

Himilo – Barcelona waxaa lagu warramayaa in ay dalab ka gudbinayaan  Ajax daafaceeda Lisandro Martinez.

Sida ay ku warrameyso Sport, Martinez ayaa hadda bartilmaameed macquul  ah u ah naadiga ka dhisan horyaalka La Liga, kaddib markii uu bandhig sare kusoo bandhigay kooxdiisa Ajax.

22 sano jirkaan ayaa awood u leh ka ciyaarista boosas badan oo daafaca ah sida daafaca dhexe taasi oo Barcelona ka saacideysa in ay ka dhigtaan beddelka Gerard Pique oo muddo garoomada ka maqnaanaya.

Martinez oo goor sii horreysay lala xiririnayay u dhaqaaqitaanka kooxo waa weyn, ayaa hadda heysta laba sanno iyo bar oo kaga haray qandaraaskiisa.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan