Himilo – Real Betis ayaa la warinayaa in ay qiimo dhimis ku samaysay lacagtii ay ku doonaysay daafaca buuxa ee Junior Firpo oo ay ka dhigeen £23m.
Barcelona ayaa si aad ah loola xariirinayay in ay u dhaqaaqayaan 22-jirkaan Todobaad yadii ugu danbeeyay, Halka Liverpool sidoo kale ay u muujisay xiisaha ay u qabaan adeegiisa si uu Reds ugu badalo booska Alberto Moreno.
Sida laga soo xigtay Sport, Betis ayaa horay ugu qiimaysay £32m laacibkii hore ee qaranka Spain xidigaha ay da’doodu ka hoosayso 21jirada ,kaas oo kaliya safashadiisii ugu horaysay u ciyaaray Seville bishii February 2018-kii.
Isla warbixinta ayaa sheegeysa in Los Verdiblancos ay haatan caddeysay inay diyaar u yihiin inay ku iibiyaan 23 milyan ginni, inkastoo Barca laga wariyay inay kaliya diyaar u tahay inay bixiso 18.3 milyan ginni.
Madaxa kooxda reer Catalan Ernesto Valverde ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in kooxdiisu ay suuqa ugu jirtay daafaca bidix oo cusub si ay tartan u galiyaan Jordi Alba inta lagu guda jiro ololaha 2019-20.
Firpo ayaa tan iyo markaas ka jawaabayay wararka la isla dhexmarayo ee suuqa kala iibsiga isagoo qirtay inuu ku faraxsan yahay in lala xiriirinayo xagaaga inuu u dhaqaaqo kooxda heysata horyaalka Spain.