Home / Cayaaro / Bayern Munich oo dalab ka gudbisay Frenkie de Jong

Bayern Munich oo dalab ka gudbisay Frenkie de Jong

Himilo – Barcelona khadkeeda dhexe Frenkie de Jong ayaa la werinayaa in uu bartilmaameed macquul ah u yahay naadiga Bayern Munich.

De Jong ayaa hadda ololihiisa labaad ku qaadanaya Camp Nou, isaga oo kusoo billowday 49 kulan halka siddeed ciyaarood uu kursiga keydka kasoo kacay dhammaan tartaamada tan iyo markii uu kasoo dhaqaaqay naadiga Ajax.

Sida ay werinayaan qaar kamid ah warbaahinta Spain, Bayern ayaa isku diyaarin doonta soo qaadashada 23 sanno jirkaan kaasi oo seegay soo qaadashadiisa sannadkii 2019.

De Jong ayaa weli hesyta shan sanno iyo bar oo kaga haray qandaraaskiisa.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan